Senegal vs Algeria – Finalka Koobka Qaramada Afrika Oo La Go’aamiyay Ka Dib Markii Algeria Ka Takhalustay Nigeria

0
94

Xulka Algeria ayaa buukintay booskooda finalka Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen xulka Nigeria kulankii semi-finalka iyadoo Riyad Mahrez uu dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ciyaarta.

Algeria ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 40aad ee qeybtii hore markii uu gool iska dhaliyay xiddiga Nigeria William Troost-Ekong.

Laakiin Nigeria ayaa barbareysay ciyaarta daqiiqadii 72aad markii rigoore loo dhigay uu gool u sarifay Odion Ighalo. Iyadoo ay u muuqato in ciyaarta 30 daqiiqo dheeri ah lagu darayo ayay Algeria heshay goolka guusha waqtigii dhimashada ee daqiiqadii 92aad.

Riyad Mahrez ayaana goolka guusha u saxiixay xulka Algeria oo u soo baxay finalka Koobka Qaramada Afrika iyadoo markii ugu danbeysay ee ay koobka qaadaan ay aheyd sannadii 1990.

Waxa ay finalka haatan isku arki doona xulalka Senegal iyo Algeria oo noqoneysa ku celiska kulankoodii wareega group-yada markaasoo ay Algeria 1-0 ku badisay. Finalka waxaa la ciyaari doonaa 19ka bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Xulka Senegal ayaa iyaganu soo gudbay finalka Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay 1-0 ku soo dubteen xulka Tuunisiya iyagoo isla gaaray waqtigii dheeriga ahaa.

Goolka ay Senegal ku badisay ayaa ahaa gool ay iska dhaliyeen xulka Tuunisiya iyadoo labada xulba ay waqtigii caadiga ahaa ee 90ka daqiiqo ay iska qasaariyaan rigoorayaal loo dhigay.

Senegal ayaa rajeyneysa inay markii ugu horeysay qaado Koobka Qaramada Afrika iyadoo markii ugu danbeysay ee ay gaartay finalka sannadii 2002 koobka looga qaaday rigoorayaal kulankii ay la ciyaareen Cameroon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here