Senegal oo noqon doonta dalkii ugu horreeyay Afrika ee martigaliya Olombikada dhallinyarada

0
52
Lawadaag Asxaabta...

Dalka Senegal ayaa martigalin doona xilliga qaboobaha ee Olombikada dhallinyarada sannadka 2022ka, sida uu guddiga caalamiga ah ee olombikada ee magaciisa loo soo gaabiyo ee IOC uu kaga dhawaaqay magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Wuxuu noqon doonaa dalkii u horreeyay ee Afrikaan ah ee ciyaarahaas martigaliya.

Afar dal oo kale oo Afrikaan ah oo kala ah Botswana, Nigeria, Senegal iyo Tunisia ayaa u loolamayay sidii ay u martigalin lahaayeen tartankaas, balse wixii ay Senegal la shir tagtay ayaa lagu qancay, sida ay IOC ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo saartay.

Tartankan waxaa lagu qaban doonaa saddex magaalo oo kala ah caasimadda dalka Senegal ee Dakar, magaalada cusub ee Diamniadio oo hadda gacanta lagu hayo iyo magaalada xeebta ku taalla ee Saly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here