Sarkaalkii Hore Uga Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Ceerigaabo Ku Soo Jeeday Oo Warbaahinta La Hadlay, Sheegayna Inaanu Isku Soo Dhiibayn Somaliland Ee Uu Jabhadayntii Sii Wadanayo

0
180
Lawadaag Asxaabta...

Ceerigaabo, September 15, 2018- (Foore)- Askarigii Ka Falaagoobay Ciidanka Qaranka Somaliland Jamaal Ducaale Baaxad oo ka mid ahaa askartii dhawaan ka goosatay ciidamada qaranka Somaliland ee Gobolka Sanaag kana daba tagay ee ku biiray Falaagada Caarre oo maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayay in uu dib ugu soo laabanayo Somaliland iyo deegaankii uu ka cadhooday ayaa waxa uu sheegay in aanay arrimahaasi waxba ka jirin oo aanu dib u soo laabanayn.

Askarigan Jamaal Ducaale Baaxad oo shalay khadka taleefanka ugu warramay Telefishanka SAAB TV ayaa waxa uu sheegay in wararka laga baahiyey in uu dib ugu soo noqonayo Ceerigaabo iyo dhulkii uu ka tagay aanay ahayn kuwo dhab ah isna wixii uu ka baxay ee ay ujeeddiisu ahayd marka hore aanay waxba iska baddalin oo uu halkaa ku sugnaan doono isaga oo jabhaddaasi Caarre ka mid ah. Jamaal Ducaale Baaxad oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaan idiinla soo xidhiidhay, waxa la bixiyey warbixin qaldan. Warbixin qaldan ayaa la iga bixiyey. Taasi ayaan beeninayaa. Anigu nin soo socda ma ihi. Nin isa soo dhiibaya ma ihi. Waxaan ahay sarkaal dhulkiisii yimid oo dhulkiisiina jooga. Hawlihiisana wata”.

Mar telefishanku wax ka waydiiyey Jamaal Ducaale Baaxad goobta uu wakhtigaasi la waraysanayay ku sugnaa ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan ku suganahay meel Ceerigaabo u jirta 35 Kiiloo Mitir oo ka xigta Woqooyi. Magaceedana waxa la yidhaa Hal-dhaagan. Waxaa la sheegayaa wax Allaale wax ka jiraa ma jiraan”.

Telefishanka oo ninkan askariga ahaa wax ka waydiiyey hadalkii uu dhawaan warbaahinta ka sheegay badhasaabka Gobolka Sanaag ee uu ku sheegay in ninkaasi soo socdo oo uu waliba ambalaaskii lagala baxsaday degmada Xiis soo wado, ayaa waxa uu kaga jawaabay: “Wallaahi anigu warkaasi ma garanayo. Wax allaale wax ka jiraana ma jiro. Ninkaana anigu ismaanaan arag. Ma garateen. cid Alla cid ila soo xidhiidhay ma jirto oo aan ka ahayn odayaasha beesha aan ka dhashay oo qaar ila soo xidhiidheen annagu wax dawlad ah oo aanu wada xidhiidhnay ma jirto. Odayaasha waxa aanu ka wada hadalnay in aan soo galay meeshan oo gurigaygii ah. Iyaga ayaana ila soo hadlay oo yidhi maad timid anna waan u sheegay in aan dalkaygii imid. Dawladdaasina anigu uma socdo. Sidaasi ayaanu odayaasha is nidhi. Ka bacdi cid dambe oo ila soo xidhiidhay ma jirto. Waxaanan kuu sheegayaa anigu ciidan baan ka imid. Ciidankaygii iyo aniguna isku talo ayaanu nahay. Waxaa la sheegayana wax ka jiraa ma jiraan. Hadda waxaan ku socdaa Buuraha Golis ee Gobolka Sanaag. Illaa caddaalad la helo nin imanaya ma ihi oo Somaliland uma soo socdo. Ilaahay baa caddaalad suga laakiin dawladdan wakhtigan Somaliland maaha mid caddaalad ah. Anigu waxaan ka mid ahay beelaha kale ee dulman. Dadkeenu way iska hadlaan cid kastaa waxa ay doonto ayay iska tidhaa. Aniga wax cod ah la igama hayo, wax war ahna la igama hayo. Anigu hawlahaygii gaarka ahaa ee aan markii horeba u socday ee ciidanimo ayaan u socdaa oo aan wataa. Shaqadayda ayaan wataa. Anigu nin waxaa ku jira ma ihi ee la leeyahay cafis baa loo fidinayaa iyo wax la mid ah. Waanan kuu caddeeyey warkayga. Ma jiro wax khilaaf ah oo aniga iyo Kornayl Caarre nasoo kala dhex galay. Waad garanaysaan isaga nambarkiisana waad haysaan waanad waraysan kartaan” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Jamaal Ducaale Baaxad.

Sidoo kale Wararka Xalay aanu ka helnay Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa noo sheegay in dhawaaqa ka soo yeedhay Sarkaalkii  hore loo sheegay inuu isku soo dhiibayo Somaliland ay xaaladiisu ka dhalatay kadib markii la isku afgaran waayay qaabka loo qaabilayo, iyo nooca uu noqonayo Anshax marintiisu.warar kale ayaa sheegaya in ninkaasi iyadoo lagu heshiiyay arintiisa ay la soo xidhiidheen Koox Qurbajoog ahi islamarkaana ay kula taliyeen inuu sii jabhaddeeyo “iyadoo ninkasi arintiisu dhan tahay oo ay reerkooda iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen in ninkaasi aan wax Ciqaab ah la  marin ayay lugooyeen Koox Qurbo-joog ahi islamarkaana waxay u sheegeen inaanu si sahal ah isku soo dhiibin ee uu aduunyo badan ku doorsado jabhadayntiisa, waana ka hadlay ee wuxuu doono ku hadlay”. Qof shacab ah oo Ceerigaabo ku sugan

Warar kale ayaa sheegaya in Xukuumaddu ku adkaysatay in arinta Ciidanka aan wax farogalin ah lagu samayn ee loo daayo Ciidanku waxa ay ka yeelayaan ninkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here