Sarkaalkii Ciidamada Qaranka Somaliland Ku Weerareen Duleedka Ceerigaabo Oo Warbaahinta La Hadlay, Faah Faahinna Ka Bixiyay Khasaaraha Gaadhay Iyo Halka Uu Ku Sugan Yahay

0
127
Lawadaag Asxaabta...

Haldhaadan, September 24, 2018- (Foore)- Sarkaalkii Ciidamada Qaranka Somaliland doraad weerareen Jamaal Baaxad ayaa Shalay warbaahinta ka hadlay, waxaanu faah faahin ka bixiyay Khasaaraha gaadhay Jabhaddii uu horjoogaha u ahaa, iyo sida uu dagaalku u dhacay, waxa uu sheegay inaanay isku soo dhiibayn Ciidanka Qaranka Somaliland islamarkaana waxa uu ku hanjabay inay Xaaladu intaasi kasii dari doonto oo uu dagaalku balaadhan doono isagoo sidoo kalena ka hadlay xidhiidhka Wada shaqayneed ee ka dhexeeya Isaga iyo Sarkaalkii kale ee Falaagada la galay Puntland Kornayl Caare.

Kornaylka oo waraysi khaas ah khadka telefana ku siiyay Wariye Luqmaan Maxamed Faarax oo ka tirsan Telefishan Bulsho ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa u bilaabay sidan“Aad ayaanu iskaga wanaagsanahay, Waxaan joognaa Haldhaagan, Dawladda Somaliland-na way nasoo weerartay, Anaguna waanu iska difaacnay, Waa Dawlad Jeegaamaysan oo aan ogolayn in Xaqa iyo Xaqdaradda lakala garto, Nimco ayaanu qabnaa, Halkayagaasi ayaanu iska Difaacaynaa, Ciidanna ku urursanaynaa,  Xagga Ciidamada Somaliland kama war hayo laakiin Xagayaga saddex nin ayay wax yara gaadheen, way ladan yihiin hadda, Caafimaadkooduna wuu wacan yahay, Ciidanka Somaliland ayaa weerarka nagu soo qaaday, Umadda Somaliland ayaa la mijo habaabinayaa, Cadaalad darro ayaanu diidnay, Dalkaasi cidda gaar ka ahi maamulanayso ayaanu aragnay, ee doonaya inay Dadka Cabudhiyaan”.

Isagoo ka jawaabaya Su’aal wariyuhu ka waydiiyay Xidhiidhka Puntland ka dhexeeya ayaa waxa uu yidhi“Puntland waa walaalahayo isku degaan ayaanu nahay, Saldhig ayay nasiisay, anigu dalkaygii ayaan imid, Madaxweynaha Puntlandna haddii uu Badhan yimid isaga ayaa aayihiisa u yimid, kaayaga Badhan jooga, ka Qardha jooga iyo ka Gobollada Somaliland u sugan inay cadaaladu daro hayso waa la ogyahay, oo dalka Somaliland aanay ka jirin wax lawada leeyahay, Wasiiradda nagaga jiraana nama matalaan oo dadkayaga ma matalaan, waa kuwo markay Saxaafadda u soo baxaanna dad caayaya weeyi, inay dadka matalaan, laba beelood ayaa Hadda Somaliland u heshiiyay, Jeegaan ayaa la yidhaa, Magaca Somaliland la yidhaahdaa waa Magac Lunsan oo aan halkiisii joogin, inta Somaliland la wada leeyahay la helayo isma dhiibanayo, Wax wada hadal ahna Cidna lama galayno,Waxa igu soo biiray 66-Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka, waxay ka tirsanaayeen Guutada 15-Aad, Guutada 5-Aad”.

Maruu ka jawaabayay inuu wax khilaaf ahi soo kala dhex galay Isaga iyo Caare ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxba kama jiraan, Taliyahaygii weeyi, Ciidankaygii weeyi, afar iyo labaatanka Saac Xidhiidh ayaa naga dhexeeye,wax khilaaf ah oo noo dhexeeyaa majiraan xaaladayaduna meel wanaagsan ayay noo maraysaa. Gaadhigii Ambalaaska ahaa way qayteen, Shalay Dagaalkii na dhex maray ayay ku qabsadeen, gaadhi lawada leeyahay ayuu ahaa, Gaadhi cid gaar ahi lahayd muu ahayn, Gaadhigiina Dawladdu way haysataa, laakiin waxaan sheegayaa xaaladu intaasi way kasii badan doontaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here