Safaarada Djibouti Ee Magaalada Hargeysa Oo Bilaabi Doonta Diiwangalinta Muwaadiniinteeda Reer Jabuuti Ee Hawlgabka Ah

0
143
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 23, 2018 – (Foore)- Safiirka Dawladda Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye  ayaa waxaa uu Baaq u Diray muwaadiniinta reer Djibouti ee ku sugan gobalada iyo degmooyinka Somaliland inay safaaraddu bilaabi doonto diiwangalinta dadka hawlgabka ah. Safiirka oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaan baaq u diraynaa dadka reer Djibouti ee ku sugan geyga Somaliland,waxaanan leeyahay bisha 23.06.2018 waxaan ka bilaabi doonaa xafiiska safaarada Jamhuuriyada Djibouti ee Majidka Sheekh Mustafe Agtiisa Diiwangalinta Dadka Hawlgabka, waxaanan idinka codsanaynaa inaad timaadaan si aad isku diiwaangalisid,shaqooyinkii kale oo dhan waa aanu joojinay waxaanan muujinay inaan dadkeena muwaadiniinta ah ee Djibouti ee hawlgabka ah iyo kuwa ka soo hadhay masuuliyinti keydka in ay nala joogaan oo aan wada shaqeynayno inaan u fududeyno oo xooga saari doono ayaan ugu talo galnay,taas oo ay tahay siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaacil Cumar Geele nagu amray anaga in soomaalida reer Djibouti meel kasta oo ay joogaan in loo adeego oo loo oo loo fududeeyo waajibkooda si ay iskaga dhex arkaan dawladooda.”Xuseen Cumar Kawaaliye.

Safiir Kawaaliye Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu safiirku muwaadiniinta reer Djibouti ee Ku Sugan magaalooyinka iyo gobalada Somaliland In ay Soo qaataan kaadhkooda dhalashada passportkooda iyo kaadhkii cadeynaayay in hawlgab ay yahiin.

“waxaan idinka codsanaynaa inaad si baaxad leh uga qeyb qaadatiin oo aad soo qaadataan kaadhkiini dhalashada Djibouti ahaa, passport-kiini kaadhka Djibouti ahaa iyo kaadhkiini hawlgabka aad ku qaadanayseen ee cadeynaayay inaad hawlgab tihiin oo leh keydka bulshada reydka ah ee loogu tala galay hawlgabka”Ayuu yidhi.

Waa markii ugu horeysay ee muwaadiniinta reer Djibouti ee ku dhaqan Somaliland loo sameynayo diiwangalin hawlahoodii gaarka loogu fulinaayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here