“S/Land Waxay Taariikhda Ku Gashay, Waa Dalka Qudha Ee Gudihiisa Kelitalis Kula Dagaalamay Ee Uu U Adeegsaday Diyaarado”.Madaxweyne Muuse

0
89
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa(Foore) – Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay Shacabka Reer Somaliland dad dal jecel oo hal abuurnimo leh islamarkaana wixii dhib soo maray iyo dagaalo iyagu iskood xal uga gaadhay ee aan gacan kale u ogolaan inay soo faro galiso, waxa uu sheegay xiitaa wakhtigii dagaaladii Sokeeye dalka ka dhaceen inay shacabka Reer Somaliland si wada jir ah uga soo hor jeesteen in UNISOM Xafiis ka furato Somaliland, Ciidamana keento, arintaasi oo uu Madaxweyne Biixi kaga faanay Goob ajaanib iyo muwaadinba loo dhamaa Shalay.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbadan ka jeediyay Shirweyne ay soo agaasintay Wasaaradda Arimaha Dibadu oo lagaga doodayo 27-kii sanadood ee Somaliland jirtay waxa u qabsoomay iyo wax ka lumay iyo caqabadaha hortaagan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dadka Somaliland inuu yahay Dad isku kalsoon,oo isagu wax curiya oo wax dhisa oo dalkiisa illaashada,oo horumarka iyo Xorriyadda Jecel,taariikhda ayaa uga markhaari furtay, Somaliland markii Africa Isticmaarku soo galayay, cidkasta oo ajinebi ah oo inoo timid heshiisyo ayay la gashay, ay ku ilaalinayso Danaheeda iyo dalkeeda. Somaliland waxay taariikhda ku leedahay, waa umaddii la dagaalantay Gumaysiga dhawr iyo labaatan sannadood, ee markii loo taag waayay ciidankii daraawiishta Somaliland waa meeshii ugu horaysay ee Diyaaraddo lagu garaaco, iyadoo u dagaalamaysa Xorriyadeeda oo Gumaysi diid ah”

Waxa kale oo uu yidhi: “Somaliland waxa kale oo ay Taariikhda ku gashay inay tahay dalka qudha ee gudahiisa Kelitalis (Dictator) kula dagaalamay,ee uu u adeegsaday diyaaradihii uu ku dumiyay magaalooyinkii. Waxay taariikhda u gashay Somaliland iyada oo dagaalka intaasi leegi ku dhacay oo magaalooyinkoodii la burburiyay, oo dadka colaad lagu dhex abuuray, haddana dooratay inay iyada uuni dhisto Nabadda, Isku tagga, iyo Dawladnimadda, oo aan u adeegsan ama u yeedhan cid kale inay soo farogaliyaan, Waxaana markhaati u ah 1995-kii UNISOM markii uu hogaaminayay General Hawl markii uu damcay inuu halkan ka furto xafiis UNISOM ah ama u Ciidan keeno oo Somaliland shacab, Guurti iyo Madaxweynihii wakhtigaasi joogayba iyagoo isku dhan ay diideen, lagana xidhay Xafiiskii, Somaliland iyada ayaa iskeed isku soo dhistay illaa ay soo gaadhsiisay Doorashooyin Xor ah” ayuu yidhi Madaxweynaha somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here