RUUSHKA Oo Kusoo Biiray Loollanka GEESKA AFRIKA, Dib U Gurashada Maraykanka Iyo Is-Ballaadhinta Shiinaha

0
78
Lawadaag Asxaabta...

Moscow Hargeysa, September 06, 2018- (Foore)- Ruushku waxa ay ku biireen liiska dalalka ay ka go’an tahay in ay cagta la helaan qeyb ka mid ah Badda Cas. Kulan ay la yeesheen hoggaamiyeyaasha Eritrea Jimcihii aan soo dhaafnay (31-kii August). Wasiirka arrimaha dibedda Sergey Lavrov waxa uu ku dhawaaqay qorshe ay dekedda dalkaas ku yaal Bariga Africa kaga sameysanayaan “Xarun Saad”. Moscow ma caddeyn meesha mana cayyimin waqtiga mashruuca laakiin waxa ay sheegeen in ay ujeedadoodu tahay sare u qaadidda xidhiidhka ganacsi iyo maal-gashiga kaabeyaasha dhaqaale ee labada dal.

Ku dhawaaqista arrintani waxa ay ka dhigan tahay dadaallada ay Russia ugu jirto cusbooneyisiinta xidhiidhka ay la leedahay dowladaha Africa iyo sare u qaadidda dhaqankeeda, siyaasadeeda iyo saameynteeda dhaqaale. Russia waxa ay qaadaysaa tallaabadan xilli Mareykanka uu hoggaamiyo Trump ay dib u gurasho wadaan halka ay China  ku sii xidideysaneyso guud ahaan qaaradda Afrika. Bishii Maarij, Lavrov waxa uu booqasho toddobaad ah ku gaadhay Africa isaga oo tagay Angola, Namibia, Mozambique, Ethiopia iyo Zimbabwe. Intii uu booqashada ku guda jiray, waxa uu saxiixay heshiisyo lagu dhisayo aag dhaqaale, raadinta fursado lagu qiimeynayo macdanta oo ay ku jiraan Dhaymanka iyo Platinum-ka si sare loogu qaado iskaashiga farsamada militariga.

Dalka Jamhuuriyadda Badhtamaha Africa, Kremlin waxaay siin doontaa hub iyo talo dhinaca ammaanka dowladda dagaalladu hadheeyeen. Sadex saxafi oo Russian ah,  kuwaas oo doonayey in ay wax ka ogaadaan xidhiidhkan ayaa lagu dilay dhawaan meel 180 km uga beegan caasimadda dalkaas ee Bangui. Russia sidoo kale waxa ay tartan Gabay ah ku qaban doontaa dalka Jamhuuriyadda Badhtamaha Africa iyada oo kuwa ku guuleysta ay dalxiis u tagi doonaan xero ku taalla gobolka Crimea ee ay Russia soo goosatay.

Dookha ah in ay xarun ka sameysato Eritrea waa mid xisaab ku timi marka la eego dhulka istaraatijiyadda ah ee ay Geeska Africa kaga taal. Dekedaha Casab iyo Massawa ayaa ubuc u ahaa is bedeladda awoodaha siyaasadeed ee gobolka. Sacuudi Careebiya iyo UAE, kuwaas oo qeyb ka ah gaashaan buurta dagaalka ka wada Yaman ayaa u adeegsaday Dekedda Casab ujeedooyin saad iyo goob ay maxaabiista ku soo xidhaan.

Kaddib tobaneeyo sano oo ay dagaal kula jireen dalka aan Badda lahayn ee Itoobiya, heshiiskii dhawaan ayaa sidoo kale ka dhigan in ay Addis Ababa dooneyso adeegsiga iyo maal-gashiga dekeddaha Eritrea. Ka waddan ahaan ka soo baxaya go’doomin, Asmara waxa ay rejeynaysaa in ay muhiimaddeeda istaraatijiyadeed u isticmaasho saameyn ay ku soo jiidato maal-gashi caalami ah, sidaas waxaa yidhi Cumar S. Maxamed oo ah cilmi baadhe ka tirsan machadka barashada ammaanka oo Addis Ababa ku yaalla. Hoggaamiyeyaal waddamo ay ku jiraan Sacuudi Careebiya, Soomaaliya, Japan iyo Germany ayaa dhammaan booqday Casmara toddobaadyadii ugu dambeeyey, ayuu intaa ku daray Omar, “Waxa ay ka soo kabaneysaa waqtigii lumay”.

Hase yeshee, imaanshaha Russia ee Eritrea waxa ay ka dhiganaan doontaa Geeska Africa oo lagu soo xoomay. Jibuuti Oo ah dalka saddexaad ee ugu yar wadamada ku yaal Qaaradda Africa [Aan Jariiradaha ahayn], waxa ay hoy u tahay sal-dhigyo ay leeyihiin dhawr waddan oo Yurub, Asiyaan iyo Mareykanka.

Sidoo kale waxaa jira khilaaf soo koraya: Bishii Maarij, Pentagon-ka Mareykanka waxa ay China ku eedeeyeen in ay adeegsanayaan Leysarro ay ku carqaladeenayaan duuliyeyaasheeda diyaaradaha dagaalka ee dalkaas.

Isku soo wada duuboo Dano noocee ah ayaa Somaliland ugu jira hirdankan istaraatiiji wakhti Somaliland siyaasadda gudaheedu cakiran yahay oo aanay siyaasadda Arrimaha dibaddu sidii la rabay u shaqayn. In muddo ahna dhaliilo culus loo jeediyey qaabka xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE uga hawl galeen siyaasadda Khaarajiga oo ah ta iyadu sargoyn lahayd xaaladaha iyo fursadaha Somaliland afaafka uga soo galay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here