Rumayso Ama Ha Rumaysan: Magaca Maxamed Oo Noqday Kan Ugu Shacbiyad Badan Caasimadda Norway Ee Oslo

0
106
Lawadaag Asxaabta...

Iyada oo horeba loo shaaciyey in magaca Maxamed noqday kan loogu isticmaalka badan yahay uguna caansan shucuubta ku dhaqan dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ee qaaradda Yurub ayaa waxa mar kale soo baxay warbixin cusub oo daaha ka fayday in magaca Maxamed noqday kan ugu shacbiyadda badan caasimadda wadanka Norway ee Oslo.

Daraasad si gaar ah dhawaan loogu sameeyey caasimadda dalkaasi Norway ee Oslo ayaa mujisay in Magaca Maxamed noqday ka shanty snaadood ee ugu dambeeyey ugu shacbiyadda badan iyada oo ay dalkaasi ku sii kordhayaan dadka qoxotiga ah ee ka soo haajiraya dalal badan oo islaam ah kuwaasi oo boqolkiiba 80% magacyada wiilasha u dhashay shantii sano ee ugu dambeeyey ula maxay magaca Maxamed halka guud ahaan magaca Maxamed Gaal iyo Muslimba dadka ku nool caasimadda Norway ee Oslo uu ka noqday ka ugu shacbiyadda badan magacyada kale ee la isticmaalo.

Yurgen Ouren oo ah masuulka idaacadda Norway ee qaranka u qaabilsan dhinaca tirokoobyada iyo cilmi-baadhisaha ayaa sheegay sidan: “Magaca Maxamed waxa uu noqday kan ugu caansan magacyada ragga loola baxo kan ugu caansan looguna jecel yahay. Arrintaasina waa wax aad u cajiib badan”.

Yurgen Ouren oo u warramayay Telefishanka Norway oo hadalkiisa siii wataa waxa uu yidhi: “Baadhitaan iyo xog ururin aanu ku samaynay magic bixinta wiilasha ee sannadihii ugu dambeeyey ee magaalada Oslo waxa nooga soo baxay in Magaca Maxamed yahay magaca ugu mudan ee inamadii dhashay intooda badan loo bixiyey ahna magaca la jecel yahay. Magaca Maxamed waxa uu ka dul maray oo ka sarreeyaa labada magac eek u soo xigay oo kala ah Jan iyo Per. Cilmibaadhistani waxa ay muujinaysaa in 4801 wiil oo Oslo ku dhashay loo bixiyey Magaca Maxamed halka 4667 wiil loo bixiyey Jan iyo ugu dambayn 4155 wiil oo loo bixiyey Per”.

Yurgen Ouren oo wax laga waydiiyey sababta keentay in magaca Maxamed noqdo kan kaalinta koowaad ku jira ayaa sheegay dhalmada badan ee Muslimiinta Oslo iyo magaca Maxamed oo ah Magacii Nabi Muxamed NNKHA oo ah magac ay dadka Islaamka ahi aad u jecel yihiin. Dhawaan ayay ahayd markii daraasad laga sameeyey dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska lagu sheegay natiijadeedii in magaca Maxamed noqday kan ugu badan ee loo bixiyey wiilashii labadan dal ku dhashay 10-kii sanadood ee ugu dambeeyey magacaasina noqday ka ugu shacbiyad badan labadan dal, waxaana layaab leh in dalka Norway oo ah dal islaamku ku yaryahay uu durba noqdo wadan magaca Maxamed kaalinta koowaad ka galay ubadkii ku dhashay caasimaddiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here