Ronaldo Oo Kulankiisii Koowaad Ee Juventus Iyo Championka Imika Casaan Laga Siiyey Iyo Kulanka Uu Seegi Doono!!

0
172
Lawadaag Asxaabta...

Xiddiga Xulka qaranka Portugal Iyo Kooxda kubadda cagta waddanka Talyaaniga ee Juventus Cristiano Ronaldo ayaa caawa Haafkii hore daqiiqaddii 29aad waxa kaadhka cas loo taagay oo garoonka laga saaray kulankii uu kooxdiisa Juve kala qayb galayay kulanka koowaadee Guruubyada oo ay marwada duqda ahi marti ugu ahayd kooxda Valencia ee dalka Spain.

Ronaldo ayaa kaadhka cas qaatay isla markaana garoonka laga saaray daqiiqaddii 29aad ee Haafka hore kadib markii ay isku dhaceen ee gacan ka hadal qarsooni dhex maray mid ka mid ah difaacyahanada kooxda Valencia taasoo markii dambe ay caddeeyeen muuqaaladii ciyaarta laga duubay.

Ronaldo ayaa sidaa ku seegaya kulanka muhiim ah oo kooxda Juventus ay la yeelan doonto dhiggooda Manchester United oo ay isku haleeli doonaan kulanka labaad ee isla guruubkan.

Halkan ka daawo xaaladda kaadhkan cas:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here