Real Madrid Oo Karbaashtay AS Roma, Juventus Oo 10 Ciyaartoy Kaga Badisay Valencia iyo Wadhidii Raacday Man City

0
146
Lawadaag Asxaabta...

Kooxda koobka UEFA Champions league difaacanaysa ee Real Madrid ayaa guul raaxo leh Santiago Bernabeu kaga gaadhay kooxda AS Roma waxayna Los Blancos muujisay in la’aanta Cristiano Ronaldo iyo Zinedine Zidane ay nolol fiicani jiri karto.

Real Madrid waxaa guusha ku hogaamiyay Isco iyo Gareth Bale oo min hal gool dhaliyay iyada oo Julen Lopetegui uu guul farxad wayn leh ugu bilawday waayihiisa tababaranimo ee Real Madrid ee tartanka UEFA Champions league.

Laakiin Cristiano Ronaldo oo dib ugu soo laabtay dalka Spain ayaa ooyin iyo barroor garoonka kala baxay kadib markii kaadhka cas oo toos ah loo taagay kulankii ay kooxdiisa Juventus guusha ka soo gaadhay Valencia.

Cristiano Ronaldo ayaa ganaax ku seegi doona kulanka Juventus ay booqanayso kooxdiisii hore ee Manchester United iyada oo Ronaldo uu daawanayay kooxdiisa Old Lady oo laba rekoodhe lagu abaal mariyay xili ciyaarta dibada laga dhigay.

REAL MADRID 3-0 AS ROMA

Daqiiqadii 45 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayay ugu danbayn Real Madrid heshay goolkeeda furitaanka waxaana darbo qurux badan goolhaye Olsen ku garaacay Isco kaas oo Madrid siiyay faa’iidada hogaanka ciyaarta intii aan qaybtii hore la soo gaba gabayn.

Daqiiqadii 58 aad Real Madrid ayaa la timid goolkeeda labaad ee niyadjabka wayn ku riday kooxda martida ahayd ee AS Roma waxaana goolkan iska kaashaday Gareth Bale oo dhaliyaha goolkan ahaa iyo Luka Modric oo caawinta goolkan sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Real Madrid ku heshay kalsooni buuxda.

Daqiiqadii 90+1 aad  Mariano Diaz ayaa helay goolkiisii ugu horeeyay ee UEFA Champions League ee kooxdiisa Real Madrid isaga oo buuxiyay booskii Garethe Bale laga saaray wuxuuna caawin ka helay Marcelo. Mariano Diaz oo suuqii dhawaa dib ugu soo laabtay Madrid ayaa Julen Lopetegui u muujiyay waxa uu u qaban karo.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Real Madrid ku dubatay kooxda AS Roma iyada oo Lopetegui uu guul wayn ku furtay UEFA Champions League.

VALENCIA 0-2 JUVENTUS

Daqiiqadii 23 aad Juventus ayay qasab ku noqotay in ay shaxdeeda isbadal ku samayso kadib markii uu dhaawac soo gaadhay Sami Khedira waxaana kaydka looga yeedhay Emre Can oo kulankiisii ugu horeeyay ee UEFA Champions league ah u saftay Juventus.

Daqiiqadii 29 aad Kaadhka Cas Oo Toos Ah!! Cristaino Ronaldo ayaa kaadhka cas oo toos ah loo taagay kadib markii uu dhacdo aan kubbadu dhex ool kula kacay xidiga kooxda Valencia ee Murillo kaas oo uu madaxa ka riixay isaga oo dhulka yaala waxayna taasi keentay in Ronaldo kaadhka cas oo toos ah loo taagay.

Ronaldo ayaa ilmada haysan kari waayay wuxuuna garoonka ka baxay isaga oo ooyaya isla markaana qalbi jab wayni uu ka muuqday wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay ee Juventus ee Champions league uu garoonka ku jiray 29 daqiiqo

Waxay uu Ronaldo seegi doonaa kulanka muhiimka ah ee uu kooxdiisii hore ee Manchester United ku laaban lahaa iyada oo hadda uu ganaax ku seegayo fursadii uu Old Trafford ugu soo ciyaari lahaa.

DAQIIQADII 45 AAD Juventus oo toban ciyaartoy ahayd ayaa rekoodhe lagu abaal mariyay kadib markii Dani Parejo lagu ciqaabay qaladkan waxaana Juventus fursadahan dahabiga ah uga faa’iideeyay Pjanic kaas oo rekoodhahan goolka furitaanka u sarifay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay toban ciyaartoy oo Old Lady ahi hogaanka kula wareegeen.

DAQIIQDII 50 AAD Juventus ayaa rekoodhe labaad lagu abaal mariyay kadib markii uu Murillo qalad ku galay Bonucci wuxuuna garsooruhu markii labaad tilmaamay in Old Lady ay xaq u yeelatay rekoodhe labaad taas oo toban ciyaartoy oo Juventus ah siisay riyo wayn oo markii Ronaldo ciyaarta laga saaray aan u muuqan.

Markale waxaa kubbada rekoodhaha kooxda Juventus u tuuray M. Pjanić kaas oo dhaliyay goolkiisa labaad iyo waliba goolka labaad ee kooxdiisa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay toban ciyaartoy oo Juventus ahi hogaanka kaga dheeraysteen Valencia.

Bal qiyaaso Ronaldo oo ciyaarta ku jiri lahaa oo Juventus laba rekoodhe lagu abaal marin lahaa? Waxay cusbo ku xoqaysaa qalbi jabkii Ronaldo uu garoonka kala baxay isaga oo naftiisa waydiin kara sida ay xaaladu uga duwanaan lahayd haddii uu labadan rekoodhe goolal ku dhalin lahaa.

Daqiiqadii 96 aad ee dhamaadkii ciyaarta kooxda Valencia ayaa lagu abaal mariyay rekoodhe waxaana ka qasaariyay Dani Parejo iyada oo goolhaye Wojciech Szczęsny uu kooxdiisa Juventus u ilaaliyay hogaanka labada gool ahaa.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay toban ciyaartoy oo Juventus ahi ku soo garaaceen kooxda Valencia laakiin waxa ugu wayn ee kulankan qabsaday ayaa ahayd kaadhkii casaa ee Ronaldo la siiyay iyo oohintii uu garoonka kala baxay.

Dhinaca kale kooxda Manchester City oo garoonkeeda ku ciyaaraysay ayaa waxa laba gool ku karbaashtay kooxda Faransiiska ah ee Lyon oo ku sugnayd gegida Etihad Stadium ee Magaalada Manchester. wiilasha Macallin Guardiola oo sannadkan doonayay in ay koobka ku dagaalamaan ayaa kulankooda koowaad waxa madax xanuun ku riday caawa kooxda Lyon oo aad moodaysay in ay soo darseen awoodda Manchesyer City. 2-1 ayay Lyon ku badisay waxaanay waliba Man City goolkeeda madiga ah la timid daqiiqaddii 67aad wakhtigaasi oo xiddiga Bernando Silva uu goolka u dhaliyey. xiddigaha Nabil Faqiir iyo Maxwell Cornet ayaa labada gool u kala dhaliyey haafkii hore kooxdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here