Ragga U Naxariista Iyo Dareenka Badan Haweenka Dunida Oo La Ogaaday In Ay Yihiin Hindida Cascas

0
57
Lawadaag Asxaabta...

Dareenka wanaagsan iyo naxariista ragga iyo dumarka dhex marta ayaa la sheegaa in inta badan haweenku kaga wanaagsan yihiin ragga balse marka laga hadlayo sida ragga adduunka ku nooli ugu kala naxariis badan yihiin dareenka kalgacal iyo caadifadeed ee dumarkaayaa la ogaaday in ay yihiin ragga ka soo jeeda qawmiyadda Hindida Cascas (Red Indians) eek u nol dalalka Latin America, Maraykanka iyo Australia sida ay sheegayso daraasad dhawaan lagu sameeyey dareenka kalgacal ee raggu u qaadaan haweenka.

Daraasaddan ayaa muujisay in ragga haweena ugu naxariista badani yihiin Hindida cascas baadhitaan laba sanadood la wadayna lagu ogaaday in ragga Hindida Cascasi yihiin kuwa ugu haween la dhaqan wanaagsan ee ugu naxariista iyo kalgacalka badan marka la barbar dhigo ragga kale ee qaaradaha adduunka ku nool. Sida uu saxaafadda u sheegay Ryan Shakht oo ahaa hogaamiyaha koox samaysay daraasaddan oo ka socotay machadka “The royal society open science”

natiijada cilmibaadhistoodana shaaciyey Arbaacdii aan soo dhaafnay ayaa sheegaya in dhaqan ahaan ragga Hindida Casi noqdeen kuwo aad ugu dabacsan haweenka marka la barbar dhigi sida ragga kale ee adduunak ku nooli ula dhaqmaan haweenka marka laga hadlayo naf-qaybsiga iyod areenka hoose ee lamaane halka ragga Carabta ahi ka noqdeen kuwa ugu adadag ama qallafsan dareen qaybsiga haweenka. “Daraasaddan oo aan ka samaynay ku dahwaad 80 waddan waxaanu ku ogaanay in ragga adduunka ugu dabacsan haweenku yihin Hindida gaar ahaan Hindidii loogu yimid Woqooyiga Iyo Latin America” ayuu yidhi Ryan Shakht oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here