Rag Ka Cadhaysnaa Guurka Gabadhooda Iyo Nin Jareer Ah Oo Dilay Ninkii Kadibna Maydkiisii Ku Rusheeyey Gaas Oo Dab Qabadsiiyey

0
155
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho, September 22, 2018- (Foore)- Dil noociisa oo kale aanu waayadan soo marin Dhulka Soomaalida, lana odhan karo waa mid ugub ku ah ayaa ka dhacay oo laga soo sheegay magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, kaasoo loo gaystay Allah ha u naxariistee marxuum ka soo jeeda beesha Jareer oo la yidhaahdo Axmed Mukhtaar Saalax.

Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ka soo jeeda reerahooda oo ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka, iyo gabadh u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega.

“Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go’aan isla gaadheen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaasoo bam gacmeed adeegsaday” ayuu yidhi Nuur Maki Muunye oo warbaahinta la hadlayay.

Wuxuu intaa ku daray in la xidhay dadkii falka lagu tuhmay inay gaysteen oo ay ku jirto gabadha hooyadeed, laakiinse odayaashii dhinaca abtiyaashu ay wacad ku mareen in talaabo ficil ah ay ka qaadi doonaan xadhigaas”.

Talaabadaas ayuu sheegay in ay noqotay in weerar lagu qaado Axmed Mukhtaar Saalax oo ay weeraraan dad gaaraya 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin” ayuu yidhi ninkani isaga oo qiiro ka muuqatay.

Wuxuu intaa raaciyey in baasiin lagu shubay, ka dibna la gubay. Laakinse ma cadda in markii uu dhintay meydkiisa la gubay, ama isagoo nool dab la qabadsiiyey.

Arrintan ayaa tan iyo dorraad aad looga hadal hayey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, ayadoo la soo dhigay sawirro aad looga naxo oo muujinaya jidhka marxuumka oo gubtay.

Nuur Maki Muunye wuxuu BBC u sheegay in meydka Axmed Mukhtaar Saalax aan ilaa hadda la aasin, “ilaa iyo inta sharciga laga hor keenayo dadkii dilkiisa ka dambeeyey lama aasayo” ayuu yidhi. Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo ah magaalo wax walba laga filan karo dilka dadkuna 27-kii sano ee ugu dambeeyey ka ahaa wax aad u dhib yar balse fal-dambiyeed noocan oo kale ahi aad ugu cusub yahay halkaasi.

Hore ayaa waxaa u dhacay in dad loo dilay sababo la xidhiidha guur ay is guursadeen qabaa’il aan hore isu guursan jirin, laakiin in meyd ama qof nool la gubo ayaa ah arrin ugub ah oo aan meelna ka soo galin diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Inkastoo uu Nuur Maki Muunye sheegay in dad loo xidhxidhay, haddana warbaahinta uma suurto galin in ay Booliska helaan waxna ka waydiiyaan arrintaasi foosha xuno, si ay uga xaqiijiyaan in ay jiraan dad loo qabtay kiiskan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here