“Qofku Dembi Wuu Geli Karaa Isgoon Dembi Gelinna Si Fudud Baa Looga Dhigi Karaa Dembiile”….Cali Guray

0
219
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 9, 2018- (Foore)- Cismaan Awrliqe waa la xidhay lamaan yaabin oo markiiba waxan igu soo dhacay tolw ma cid buu gacan u qaaday intuu afku ka xumaaday. Laakiin waxan la yaabay markii la igu yidhi maya eh “diintuu caayay buu ku xidhan yahay”. Cismaan dhawr iyo sodon sanadood baanu saaxiib ahayn isagoo mid diinta caayay kula booday waan arkay laakiin Ilaahay baa igaga sareeya eh isagoo diinta isagu caayay afkiisa weligay kamaan qaadin waali iyo miyir-toona. Wax kasta oo kaleba waan rumaysan lahaa laakiin diintuu caayay way igu adkaatay waayo waa la xidhi jiray laakiin arimo kale ayaa lagu xidhi jiray.

Iyada mid waan ogahay oo in sida ugu fudud een baadhis u baahnayn ee qof gardaran Ilaahayna aan ka baqayni uu qof kale oo weliba isagu ka gardaran yahay ku xidhi karaa aanay ahayn inu dacwad madani ah uu furo. Waxa ka dhaw oo anigu aan goobjoog u ahaa inu yidhaa “diintaydu caayay”.

Aniga shakhsi ahaan kiis baa isoo maray laba sanadood ka hore. Nin aan aqaan oon waalidba waalid u ahaa oo suuqa ganacsiga ka shaqaysta ayaa dukaan uu wax ka iibin jiray oo alaabta sii siin jiray lacagtana marka dambe ku soo mari jiray oo macaamiishiisa malaha lacagihi waxoogaa isku gaadheen. Markii dhawr maalmood uu ku soo noqnoqday ayaa mindhaa maalintii dambe laysku xanaaqay dabeed kii daynka lahaa oo an abti u ahay ayaa isa soo taagay beri hadii aan kaa waayo waan ku ashkataynayaa oo bilays baan kuu soo kaxaynayaa”. Subixii dambe markuu ku soo noqday dukaanka hortiisa ayaabay laba bilays ahi sagii ku sugayaan. Ilayn shalay markii uu ka baxayba intuu laba markhaati-beenaale oo “yaan u gubtaa ahna” sii kaxaystay ayuu u tegay wadaadadan la yidhaa “Wanaag-farista Iyo Xumaan Reebista” oo ah haya’d ka jirtay Sucuudiga oo awoodo xaddhaafa lahaan jirtay laakiin isbdelka ka socda Boqoortooyada Sucuudigu saameeyay oo aan hadda wax awooda ah lahayn. Markaa haya’ddan ayay ku xidhnaayeen wadaadadani oo xataa mushaharkooda bixin jirtay hadii aanay hadda ka joojin. Halkaasi ayuu dhibanihi ku noqday eedaysane waana marka anigana warku i soo gaadhayo inu xidhan yahay ninkii aan abtiga u ahaaa sheekadii oo dhanna waa la i siiyay.

Waxan ka bilaabay Wadaadadii ka dibna Saldhigii Bilayska ilaa Maxkamaddii ayaan la socday waxanay igu qaadatay muddo bil ahayd. Wadaadadu iyagu waxay istaageen “ anaga hadii laba markhaati oo ku dhaaranaya inay maqlayeen ay jiraan bilayska ayaanu u gudbinaa”. Waxan ugu jawaabay “ Sheekh intaasi idinkuma fila waayo Ilaahay miyaanu odhanin “ Kuwa Alleh iyo Nebi rumeeyayow hadii ku faasiq ahi war idiin keeno iska hubiya si aydaan isugu qoomamaynin waxa gaysataan( markaa qaadataan warkii faasiqu idiin keenay idinkoon iska hubinin yacnii. Ta kale markhaatigu shuruudo ayuu leeyahaye goormaa xaqiijiseen in labada markhaati ay yihiin kuwo buuxinaya shuriidihii markhaatiga”. laakiin dhego umay yeelanin. Saldhiga Bilayskuna wuu diiday inu damiin iga qaado oo waxay yidhaahdeen kiisaska ay wadaadadu noo soo gudbiyaan damiin kama qaadno ee maxkamadda ayaanu isu dhaafinaa. Maxkamaddii Degmadu maalintii ugu horeysay ee dhegeysiga dacwadda ayaa la hor keenay laakiin dhinacyadii kale (kii diintayduu caayay lahaa, labadii markhaati beenaale, xeer ilaalintii iyo xataa wadaadadii) qof ka soo xaadiray muu jirin. Garsooruhu wuxu ahaa sida aan markii dambe ogaaday dhalinyartii ka baxaday Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa markii cid kale iman wayday wuxu iga ogolaaday inu damiin iga qaado kiiskiina mar kale muddeeyo. Hadana taariikhdii uu muddeeyay ayaan keenay cid kale hadana way ka soo xaadiri wayday. Markii laba goor maxkamadda la hor geeyay dhibanihii eedaysanaha ahaa ayuu xaakimki aniga ii yeedhay oo damiinkii ahaa wuxu igu “Cali waan ku garanayaa adeer inaad Caliguray tahay aadna waan kuu ixtiraamayaa, laakiin kaadi badane waa loo gogol badiyaaye mar sedexaad ayaan mudaynayaa dhegaysigii kiiska ee taariikhdaa keen, marka sedexaadna hadii hadana cid dacwynaysa la waayo wakhti kale u qaban maayo een waan sii daynayaa. Markii sadexaadna waan keenay hadana ciddii dacwaynaysay kamay soo xaadirin. Sidaa ayaa lagu sii daayay muddo bil ahaydna kiis abuurkii beenta ahaa wuu ku fashilay. Markaa kiiskan Cismaan Ilaahay baa og laakiin dadka sebenkan masabidka, iyo markhaatiga beenta ah iyo dhaarta midina maaha wax ay ka caagan yihiin ama dembi u haystaan. Sidaa daraadeed qof kasta oo muwaadin ahi wuxu xaq u leeyahay inu cadaalad helo Cismaanna anigu wax kale odhan maayo laakiin waxan leeyahay cadaalad ha helo

Wadaadadii haya’dda ayaan ku noqday waxan ku idhi “ sedex goor ayaa ninkii aan abtiga u ahaa een idiin sheegay in la masabidayo la hor geeyay kii mudiciga ahaa ma iman, labadii markhaati may iman, xeer ilaalini ma imanin, idinkii xidhayna maydin iman. Miyaydaan idinku ahayn dembiilayaal oo dulmigaasi dushiina ahayn. Waxay iigu jawaabeen “ dee anagu xeer ilaalin ma nihin dembi baadhisna ma nihi laakiin qofka la yidhaa diintuu caayay ee laba markhaatina waanu ku dharanaynaa yidhaahdaan anaga ayaa maqlaynay oo ku dhaaanayna waxanu ku wareejinaa bilayska. Bilayskina waxay leyihiin kiiska ay noo soo gudbiyaan odayaashu anagu maxkamadda ayaanu isu dhaafinaa. Wadaadada markaan la halayay ayaan ku idhi mid muran badnaa labada markhaati ma waxa garan kari waydeen in la kala faqdaan oo halkay taagnaayeen, halka uu taagnaa dharka uu xidhnaa midabkuu ahaa ma shaadh cad mise ku cad. Markaa gaar u kala waraystaan idinka ayaa garan lahaa warkooda Ilaahayna sawkii yidhi (hadii mid faasiq ah war idiin keeno iska huiya si aydaan isugu qoomamaynin waxa fasheen). laakiin nimanka aan arkayay may ahayn niman ka xumaa warkii faasiqu u keenay ee iyagoon iska hubinin ay sidiisa ugu camal faleen. Ta kale الامر بالمعروف ونهي عن المنكر maaha adigu ku sandullee ee waa ku wacdi wixii wanaag ah oo gaadhsii kana wacdi wixii xumo ah oo ka waani. Nebi Muxammed scw ayuuu Ilaahay ku yidhi risaaladii uu u soo dhiibay “ gaadhsii uun kii doonayaana ha qaato kii doonayaana ha iska diido eh. Mar kalena waa kii isagaa koreeyee ku yidhi “adigu ma soo hadayn kartid cidda aad jeceshahay ee Ilaahay baa soo hadeeya ciduu doono”. Markaa anigu haya’ddan ha laga tashado oo ama ha la baabi’iyo ama inta mushahar ah haduu jiro ha iskaba qaataane awoodahan ay dulmiga badan ku galaan ha laga qaado sida Amiiir Salmaanba yeelay ugu dambaystii tayda bilayska in kor loo qaado oo si gaar ah loo xoojiyo awooda dembi baadhistu waa muhiim.Dhalinyaro jaamiciyiin ah ayaa aqoon kordhsi la siin karaa dibadda iyo gudaha hadba kii suurtogal ah weliba waxan ku rejo waynahay deeqo waxbarasho looga heli karo dalalka aynu saaxiibka nahay hadii looga doono”. Ayuu yidhi Cali Guray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here