Qisaska Xasuuqii Masaajidda: Haweenay Dhimatay Xilli Ay Badbaadinaysay Saygeeda Oo Curyaan Ahaa- Qalinka: Kamaal Axmed Cali

0
112

Intii ka dambaysay falkii uu xagjirkii caddaanka ahaa ku gumaaday muslimiintii ku tukanaysay masaajidda magaalada Christchurch waxaa soo baxaya qisas dareen taabad leh oo ku aaddan dadkii dhintay iyo guud ahaan falkaas foosha xun.
Waxaa ka mid ah sheekooyinka dadkii intii falkani socday isku dayey in ay badbaadiyaan dadka ama ku kacay tallaabooyin halyeeynimo loo arkay.

Dadka aad loo hadal hayo waxaa ka mid ah haweenay dhalashadeedu ka soo jeedo dalka Bangaladesh oo lagu magacaabi jiray Xusni Araa Baarafiin. Waxa ay nafteeda ku furatay saygeeda oo curyaan ahaa, oo isagu ka badbaaday xasuuqa dhacay.

Sida lagu sheegay war ay dhacdadan ka qortay shabakadda wararka ee Alcarabiya, Xusni waxa ay bilowgii ku guulaysatay in ay bannaanka uga baxdo masaajidka, laakiin haddana waa ay ka adkaysan kari weyday in ay goobtaas ay ku nabadgelayso joogto iyada oo og in saygeeda curyaanka ah ee ku jira misaajidka uu ninka xagjirka ahi dadka ku laynayo.

Xusni oo 42 sano jir ah, waxaa caado u ahayd in jimce kasta ay saygeeda Fariiduddiin ay ku soo riixdo gaadhi curyaanka, kaddibna inta ay qaybta ragga geyso, ay iyadu u gudubto masaajidka qaybta haweenka. Salaadda kaddibna ay mar kale dib ugu soo noqon jirtay qaybta ragga si ay dib dhinaca guriga ugu sii riixdo saygeeda Fariid.

Waa dhab in intaasi ku filnayd in ay cid kasta oo la socotay sheekadoodu qirto in Xusni ay jacayl iyo xurmo muuqata u hayso saygeeda. Waxa se qaddarku keenay in qisada jacaylka ay saygeeda u hayso iyo raallinimadeedu noqoto mid caalamiya oo warbaahinta adduunk afaf kala duwan ku baahiyaan.

Markii ninkii dadka xasuuqay uu soo galay barxadda masaajidka, waxa uu rasaasta ku bilaabay qaybta ragga. Dumarkii ku tukanayey qaybta haweenku dhammaantood bannaanka ayaa ay u yaaceen, mid kastaana waxa ay ku hakatay halkii ay markaas nafteedu u sheegtay in ay gacan ku dhiiglaha ay arkaysay kaga badbaadi karto.
Xusni cabbaar yar markii ay bannaankii ku gabbanaysay qalbigeedu waa uu ka adkaysan kari waayey in ay dhegeysato dhawaqa rasaasta ay ogtahay in dadka lagu ridayo uu ku jiro saygeeda oo ay ogtahay in aanu awoodi doonin in uu sida dadka cagaha qaba u baxsado.

Mar kale ayaa ay Xusni dib ugu soo noqotay masaajidkii oo weli xabaddu ka dhex socoto, si ay u soo badbaadiso saygeeda, nasiibdarro waxa ay iska hor yimaaddeen ninkii argagaxisada ahaa oo hawshii uu masaajidkan ka lahaa dhammaystay, isla markii uu arkay in ay tahay haweenay labbis muslim sidatana rasaas ayaa uu la beegsaday. Xusni halkii ayaa ay ku dhacday, naftuna ka baxday iyada oo cid caawisa u qayshanaysa, ka hor intii aanu gacan ku dhiigluhu xabbad ku aamusiin.

Xusni halkaas ayaa ay ku shahiiday, laakiin saygeeda ay u ordaysay waqtigiisu ma’ uu dhamayn. Nasiibwanaaggiisa waxa uu ka mid noqday dad markii gacan ku dhiigluhu dhinac ka soo bilaabay rasaasta, iyagu Kadinka kale ka baxay. Mid ka mid ah dadkii ku tukanayey dhinaciisa ee cagaha qabay ayaa u naxariistay curyaankan oo bannaanka ugu riixay gaadhi curyaankiisa.

Wiil uu Xusni walaalkeed dhalay oo lagu magacaabo Maxfuud oo arrintan faahfaahin ka bixinayey ayaa sheegay in masaajidka Christchurch uu lahaa laba qaybood oo ragga iyo haweenku kala isticmaalaan. Waxa uu sheegay in eedadii iyo saygeedu ay masaajidka u tageen in ay salaadda Jimcaha soo gutaan, laakiin 15 daqiiqo oo keliya markii ay masaajidka joogeen ay bilaabatay rasaastu.

Maxfuud waxa uu sheegay in eedadii iyada oo argagaxsan ay kadinka masaajidka ka boodday, laakiin waqti yar kaddib ayaa ay dib ugu soo noqotay, kadidban ay sidaas kula kulantay gacan ku dhiiglaha oo toos u toogtay.
Fariid iyo Alle ha u naxariisto ee Xusni waxa ay is guursadeen sannadkii 1994 kii.

Kamaal Marjaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here