Qisada Nin Gabadh Uu Guursan Lahaa Ku Waayay Markii Uu Muusig Garaacday Iyo Dalka Ay Ka Dhacday Sheekadani

0
83
Lawadaag Asxaabta...

Maxkamad ku taal dalka Sucuudi Carabiya ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xukuntay in haweeney dalkaasi u dhalatay aanay guursan karin nin ay ragga ka soo xulatay sababo lagu sheegay inuu miyuusic garaacay. Garsoorka ayaa ninkaasi waxa ay u arkeen in diin ahaan aanu gabadhaasi u qalmin. Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu taageeray aragtida qaraabada haweeneyda kuwaas oo ka soo horjeedsaday guurka gabadhaasi.

Dad badan oo reer Sacuudi ah, ayaa waxa ay jecelyihiin muusiga balse waxaa jira qaar kale oo ay ku weyntahay boqortooyada qadiimiga ah iyo dhinaca kale haddii aan eegno shareecada Islaamka oo muusiga.

Waxa ay u arkaan in uu yahay dhaqan diinta Islaamka ka soo horjeeda, waxa ayna yasaan dadka heesaaga ah amaba garaaca muusiga.

Kiiskan maxkamadda ayaa ku salaysan in qoyska gabadh aan magaceeda la sheegin ay ka soo horjeesteen qorsheeheeda ah in ay guursato nin garaaca qalabka muusikada gaar ahaan Cuudka ama Kamanka.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in gabadha qaraabadeeda ay ku doodayaan in qofka heesaaga ah aanu diinta Islaamka ku dhaqmin oo uu yahay qof aan wanaagsanayn. Maxkamad hoose ayaa taageertay fikraddaasi, taas oo xukunkay riddayna laga qaatay racfaan. Haweeneyda ayaa sheegtay in ninku uu wanaagsanyahy uuna iyada uqalmo, waxa ayna weli ku hanweyntahy in ay isaga guursato. Waxa ay tilmaantay in ay jeclaan lahayd in maxkamdda boqrtooyada ay soo dhex gasho arrrintan.

Haweeneydaan ayaa ah maareeye bangi, waxa ayna maamushaa shaqaale badan. Haseyeeshee nolosheeda khaaska ah xor uma ay aha oo waa ay adagtahay in ay gaadho go’aanadeeda gaarka u ah.

Maxamed Cabdoo, waa mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan dalka Sacuudi Carabiya iyo guud ahaan carabtaba waxaana lagu naanaysaa fanaanul Carab. Inkasta oo dalka Sucuudiga iyo Carabta laga jecel yahay haddana muusigga waatan raggaa loogu diidayo gabdhaha. Sharciga Islaamka ayaa dhigaya in gabadha aan la guursan Karin ilaa iyo weligeeda ama qofka mas’uulka ka ah uu raali ka nqodo guurkeeda. Ilaa iyo haatanna qoyskeedu waxa ay ku guulaysteen in ay xaqiijiyaan in ninkaasi garaaca muusigu aanu qeyb ka noqon qoyskooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here