Qaybta 3aad Ee Muhiimadda Biyaha Nadiifta ah iyo Shirkadda PURE LIVING COM.

0
29
Lawadaag Asxaabta...

Haweeneyda iswiidhishka ah ee caalamku u tixgeliyo in ay mid tahay dadka ugu aqoonta roon dhinaca cilmiga biyaha, Professor Malin Falkenmark, ayaa waxbixin ay kol hore soo saartay si cad ugu qeexday macnaha loola jeedo Biyo-la’aan ama biyo-yarida. Waxbixintaas waxay ku saleysan tahay qiyaas lagu cabbiri karo heerka biyo-la’aanta ee uu qaran ama dal yeelan karo. Qiyaastaas, oo loogu magac daray, Malin Water Scarcity Index, waxay sheegeysaa in haddii tirada biyaha wadan ee ku soo beegmaysa qof walba oo waddankaas ku nool sannadkii ay la egtahay amaba ka yaraato 1700 m3 (1.7 milyan oo liitar) waxaa halkaas ka jirta biyo-la’aan (water scarcity). Haddii tiradaasi la egkaato ama ka hoos marto 1000 m3 (hal milyan oo liitar), waxaa markaas la odhan karaa biyo-la’aan aad u daran ayaa halkaas (waddankaas) ka jirta (chronic water scarcity). Haddii tiradaasi gaadho amaba ka hoos marto 500 m3, waxaa markaas la odhan karaa waa biyo-la’aan buuxda (absolute water scarcity).

Prof. Malin waxay ii sheegtay in tiradaasi biyaha ah ay ku jiraan dhamaan biyaha uu qofku u baahan yahay sannadkii oo dhan, biyahaas oo kala ah kuwii uu guriga ku isticmaali lahaa, kuwii lagu beeray ama lagu waraabiyey cuntada uu qofku cuno maalin walba, kuwii dhowri lahaa degaanka uu ku nool yahay iwm. Tirada biyahaasi kaga aadan isticmaalka guriga (cabid, cunto- karsi, nadaafad i.w.m.) ayaa waxaa lagu qiyaasaa 15m3 (15 kun oo liitar) sanadkii qof walba. Biyo-yarida haysata dalkeenna Somaliland waa mid noocyo badan leh, waxaana isugu darsoomay dhamaan noocyada kala gedisan ee biyo la’aanta kalifa sida biyo-yarida dabiiciga ah, biyo-yarida tirada sii kordheysa ah, midda degaanka iyo midda horumar la’aanta ah.

Cabbirka Biyaha & Roobka

Biyaha waxaa lagu cabbiraa halbeegga loo yaqaanno mitirkubo (cubic meter) oo loo qoro (m3) ama liitar. Haddii mugga (volume) biyuhu ay aad u badan yihiin waxaa lagu cabirraa km3. m3 = hal mitir kubo. (hal liitar oo biyo ah wuxuu la egyahay hal kiilo oo biyo ah) hal m3 wuxuu la egyahay kun liitar (one cubic meter = 1000 liters). Hal km3 = hal kiilo-mitir kubo (one cubic kilometers). Hal km3 wuxuu la egyahay hal bilyan oo mitir kubo. (1km3 =1×106 m3).

Roobka waxaa lagu cabiraa halbeegga loo yaqaanno milimitir ee marka la soo gaabiyo loo qoro mm. Hal milimitir oo roob ah haddii uu ku da’o dhul baaxaddiisu dhan tahay hal kilomitir oo isku wareeg ah, waxaa ka soo baxaya biyo la eg hal milyan oo liitar (1000 m3).

Somaliland iyo Somalia

Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ah dalal ku yaala Geeska Bari ee Qaaradda Afrika oo xuduudyo caalami ah la leh dalalka deriska la ah ee la kala yidhaahdo Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti. Bed ahaan dhulkoodu wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 637,540 km2. Somaliland waxay sannadkii 1960kii ka xorowday Maxmiyaddii Ingiriiska ee Reer Yurub halka Soomaaliya iyana ka xorowday isla sannadkaasi gumaystihii Talyaaniga. Intii ka dambeysay 1991-kii guud ahaan Soomaalidu ma aanay laheyn nidaam-dowladeed oo dhexe kadib markii Somaliland si rasmi ah ugu dahwaaqday in ay xornimadeeda dib ugala soo noqotay dalkaasi Soomaaliya ee ay la midawday.

Haddaba Somaliland iyo Soomaaliya oo daraasaddan dhinaca Biyaha ah lagu wada sameeyey markii ay isku jirtay waxa ay sheegaysaa:

Qaabka-Dhulka & Cimilada

Joqoraafi ahaan, Somaliland waa dal dhinaca Gobolada Bari, Woqooyi iyo Galbeed ka ah dhul buuraley ah oo isku bebedela sinaanta aragtida siman ee laga tixraaco badda 900 illaa 2100 m. Dhinaca, Badhtamaha, Hawdka iyo Galbeedka waa dhul qalalan wuxuuna gaadhayaa aragtidaasi siman inka badan 2000 m. Dhulka Soomaalida waxaa 14% daboola keymo, inkastoo 4% oo kaliya ay tahay keymo jiq ah. Dhulku intiisa badan waa dhulka loo yaqaanno savanna oo geed gaabka ah. Dhulka Soomaalida ee daaqa ku habboon waa 45% guud ahaan dhulka dalka uu ku fadhiyo, 13% waa dhul ku habboon beerashada.

Dhinaca Soomaaliya waxaa mara xariiqda loo yaqaanno dhul-badhaha. Dalkaasi Soomaaliya ee aynu jaarka nahay waxa uu leeyahay laba webi oo dhaadheer oo kala ah Webiga Jubba (1200 km) iyo Webiga Shabeelle (1700 km). Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya waxay leeyahay laba xeebood oo kula yaalla Badweynta Hindiya (2170 km) iyo Badda Cas (1040 km), xeebahaasi wadar ahaan waxay gaadhayaan dherer dhan 3210 km. Cidhifka dalka ugu dheer waa buurta Daallo ee ku taalla meel u dhaw magaalada Ceerigaabo oo dhererkeeda lagu qiyaasay 2408 m.

Dhinaca cimilada, maaddaama ay xariiqda dhulka kala badhta ay dhinaca Soomaaliya marto, waxaa markaasi muuqata in dhulka Soomaaliya ka mid yahay waddamada kulkulul. Isbedelka heer-kulku aad ayuu u yar yahay. Isku-celcelis ahaan, heerkulka sanadkii oo dhan waxaa lagu qiyaasay 27oC. Iyada oo ay meelaha ugu kulul uguna qalalan ay ka mid tahay dhulka xiga dhinaca Gacanka Cadan ee Badda Cas, meelaha ugu qabowna ay ka mid tahay dhulka xiga dhinaca Badweynta Hindiya. Meelaha ugu kulul heerkulku wuxuu gaadhaa 42oC.

Roobabka dalkeenna oo aad u yar aadna isku bebedela waxay kala da’aan labada xilli ee Gu’ga iyo Deyrta oo inta badan ku kala beegan bilaha Abril-Maarij iyo bilaha Oktoobar-Nofember. Tirada roobka ka da’a dalkeenna waxaa lagu qiyaasay 250 mm sanadkii. Waxaana halkaasi laga garan karaa in uumibaxu si aad ah uga badan yahay tirada roob ee sanadkii da’a, kuleylka dartii. Labada waxyaabood ee ka muuqda dabeecadda dalkeena Somaliland waa abaarta iyo daadadka togaga ama dooxyada oo labaduba ah arrin la xidhiidha biyaha. In ay aad u badan tahay oo ay aad u sareyso soo noqnoqoshada abaarta ee dhulka Somaliland waxaad si cad u muujinaaya soo noqnoqoshada abaarta qaaradda Afrika gaar ahaan dalkeena. Waxaana la qiyaasay in 50 kii sanaba ay 17 jeer oo ka mid ah ay dalkeennu abaaro isbada-joog ay ku dhacaan, taasi waxay micnaheedu tahay in aanay Soomaalidu abaar moogaanin saddex sano oo isku xigta. Abaaruhu waxay keenaan dhibaatooyin gaajo iyo macluul iyo weliba cudurro.

Dadka & Degaanka

Iyada oo beryhiii dambe ay yaraadeen roobabku, ayaa haddana qaleylka cimilada dalka, jaridda xad-dhaafka ah ee dhirta iyo xaalufinta dhulka waxay dhaliyeen in keymuhu yaraadaan dhulka lama-degaanka ahina uu bato. Jaridda cowskuna wuxuu dhalinyaa in uu soo durko bacaadka dhinaca xeebta ka yimaada. Bacaadkaas oo dhibaato ku heyn kara dhul-beereedka faa’iidada badan u leh dalka.

Waxaa beryahan dambe soo if baxay in degaanka dalka, gaar ahaan badda, uu noqdo meel lagu aaso qashinka sunta ah ee warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka. Tusmada hoose waxay ku saabsan tahay tirada dadka Soomaalida ee Somaliland iyo Soomaaliya sanaddadii 1950-kii, 1955-tii, 1990-kii, 1995-tii iyo qiyaas lagu sameeyey inta ay la ekaan doonto tiradaasi sannadku marka uu yahay 2025-ka, qiyaastaasi waxay ku saleysan tahay tirada dadka ee sanaddadii ka horeeyey. Waxaa halkaas laga arki karaa in tirada dadka soomaaliyeed ay labalaabmi doonto muddo dhowr iyo labaatan sano gudohooda ah.

Tirada Dadka Soomaalida ee Sanaddadii 1950kii, 1955tii, 1990kii, 1995tii iyo 2025ta

Qeyb weyn oo ka mid ah dadka soomaalidu waxay weli ku nool yihiin miyiga, iyada oo laga qiyaasay in 74% dadka soomaalidu ay yihiin kuwa ku nool miyiga. Xadka korodhka dadka ee dawladaha Soomaalidu waa 3 % oo runtii loo arko in ay tahay xad aad u sarreeya, balse waxaa badan tirada dad ee ku soo beegmaysa halkii kiiloomitir oo laba jibaaran.

…..La Soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here