Qaybta 11aad ee Ugu Dambaysa Taxanaha Xeerka Kufsiga Iyo Xad-gudubyada Jinsiga Ah

0
24
Lawadaag Asxaabta...

Qodobka 43aad

Waajibaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Caddaalada ka Saaran Dhaqan

Galinta Xeekan

Si loo xaqiijiyo dhaqangalinta Xeerkan, hay’adaha dawliga ah ee soo socdaa waxa waajib ku ah in ay si dhakhso ah oo aan dib udhac lahayn u fuliyaan ama u gutaan hawsha halkan loogu xilsaaro:

(1) Wasaaradda Caafimaadku waa in ay xaqiijiso in cisbataalada dawladdu ay yeeshaan xirfadleyaal caafimaad oo ka hawlgala oo u tababaran una xilsaaran fulinta waajibaadyada iyo hawlaha hawlwadeenada caafimaadka ee Xeerkani dhigayo

(2) Guddiga Caddaalada ee Qaranka iyo Maxkamadda Sare waa in ay xaqiijiyaan in garsooreyaal u tababaran oo gaar u ah dacwadaha laxidhiidha dambiyada galmada loo xilsaaro dhageysiga iyo qaadista dacwadaha fal dambi galmo

(3) Xeer ilaaliyaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Booliisku waxa waajib ku ah mid kasta gaarkiisa in saraakiisha Booliiska iyo Xeer Ilaaliyeyaasha loo xilsaaro dacwadaha dambi galmadu ay yihiin kuwo u tabobaran una gaar ah maareynta iyo la tacaalidda dacwadaha noocan ah.

(4) Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada waa in ay xaqiijiso in la helo hawlwadeeno adeeg bulsho (psycho-social service providers) tababaran oo siiya dhibaneyaasha dambi galmo adeegga bulsho iyo gargaar caqli dejin ee ay u baahan yihiin, sidoo kale caawiyo bilayska iyo hawlwadeenada caafimaad ee ku hawlan dambi baadhista dacwadaha fal dambiyeedyada galmo

(5) Wasaaraddda iyo wasaaradaha Caafimaadka, caddaaladda iyo Arimaha Gudaha, Komishanka Ciidanka Booliiska iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waa in ay xaqiijiyaan in geeddi socodka dambi baadhista iyo eedaha dacwadaha dambi galmo eek u cad Xeer kani loo maareeyo si ay ku dheehan tahay woda shaqayn iyo is kaashi ay yeeshaan saraakiisha loo xilsaaro iyo hay’aaha dawliga ah eek u shaqo leh hawlahaasi. Si ujeeddadan loo gaadhona, mas’uullada wasaaradahaas iyo hay’adahaas dawladeed waxa ku waajib ah in si wado jir ah uga shaqeeyaan in:

  1. b) La dhiiri galiyo oo la horumariyo hawlaha iyo addeegyada Xarumaha Baahikoob ee ka hawlgala Cisbataalada guud ee Hargeisa, Boorama iyo Burco; iyo

t)In laga dhiso oo la gaadhsiiyo Xarumaha Baahikoob magaalooyinka iyo Gobolada kale ee Dalka.

Qodobada 44aad

Awooda Lagu Soo Saarayo Sharuucda

Wasiirku wuxuu, isagoo kala tashanaya wasaaradaha ama hay’addaha caddaaladeed ee ay khusayso iyo ansixinta Guddiga Kormeerka Xadgudubyada jinsigu soo saari karaa xeer hoosaadyo la xidhiidha:-

  1. b) Arin kasta oo uu sharcigan ogolaaday in xeer hoosaad loo sameeyo, t)Hirgalinta iyo fulinta waaxyaha ay khusayso ee hay’adaha dawladdu u dhaqan Galinayaan Xeerkan; iyo
  2. j) Wixii kale ee lagama maarmaan ah ama ah hab la dajiyo si loogu guuleysto ama sare loogu qaado ujeedooyinka Xeerkan.

Qodobka 45aad

Burid ama Laalid

(1) Waxaa la buriyay Qodobada 398, 399, 400 iyo 401 ee Xeerka Ciqaabeedka Guud.

(2) Xeer kasta ee kale ama qodobkasta oo sharci ama Xeer dhaqameed kasta oo ka soo horjeeda, ama aanan waafaqsanayn xeerkan waa la buriyay waxaana lagu baddalay qodobada Xeerkan.

(3) Qodobada Xeerka Ciqaabta Guud, Habka Xeerka Ciqaabta iyo Xeerarka kale ee ku haboon ee la jaan qaadi kara Qodobada iyo Ujeeddada Xeerkan waxa lagu dabaqayaa faldambiyeedyada uu Xeerkani xeerinayo.

QODOBKA 46AAD

DHAQAN-GALKA Xeerka

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka Golayaasha Sharci-dejintu ansixiyaan ee uu Madaxweynuhu saxeexo, faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro.             (DHAMMAAD)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here