Qaraxyo Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

0
122

Labo qarax oo isxigay ayaa goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmadaas.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyin la dhigay wadada dhinaceeda ayaa ka dhacay wadada u baxda xarunta Maamulka degmada Dayniile gaar ahaan meel ku dhow isbitaalka Guutaale.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo aad u xooganaa oo jugtooda meelo badan laga maqlay ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, kuwaasoo labo ka mid ah ay la socdeen mooto bajaaj, halkaas mareysay, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa koowaad markii uu dhacay ay goobtaas ku baxeen ciidamo iyo masuuliyiin uu ka mid ah Xoghayaha degmada Dayniile, waxaana iyagoo halkaas ku sugan goobta ka kacay qarax labaad.

Masuuliyiinta Maamulka degmada Dayniile iyo ciidamada halkaas ku sugnaa ayaa la sheegay iney ka badbaadeen qaraxa labaad.

Weli ma cadda cida rasmiga ah ee qaraxyadan lala beegsanayey, hase ahaatee waxaa goobta baaritaano ka wada ciidamada amaanka dowlada Soomaalida, iyadoo haatan xaaladuu degan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here