Qalanjadii Cagaha Caddayd (Cagaagnayd) Ee Hanatay Quluubta Reer Cape Verde – Bal La Kulan Cesaria Evora!

0
157
Lawadaag Asxaabta...

Cesaria Evora waxaa hibadeeda dhanka fanka ah caalamka looga baraarugay iyadoo 47 jir ah. Waxay noqotay qof dunida caan ka ah iyo shumac ifaya oo ku caan baxday qaabka heesaha morna. Waxaa naynaas looga dhigay qalanjadii “cagaha caddayd”, maadaama ay heesi jirtay iyadoo aan kabo xidhnayn oo gabi ahaanba cagaagan. Cesaria waa qaybtii ugu horraysay barnaamijyo xidhiidh ah oo afar ah – Haweenka Afrika ee wax ka beddelay dunida – qaybtii 2aad. Cesaria, oo dalka Cape Verde ku dhalatay 27-kii bishii August ee sannadkii 1941-kii, waxay ku soo kortay saboolnimo ka dib markii uu aabeheed geeriyooday iyadoo 7 sano jir ah. Hooyadeed oo aad ula daalaa dhaceysay korinta 6 carruur ah ayaa caqabad kala kulantay rafaadka saboolnimada, waxayna Cesaria geysay xarun lagu xannaaneeyo ilmaha agoonta ah, si ay nolosheeda u kafaala qaadaan. Markii ay gaadhay da’da 16 sano ayuu qof saaxiib la ahaa ku qalqaaliyay iney ka heesto maqaaxi ku taallay Markab dushii. Xilligaas waxay ahayd haweeneyda kaliya ee ku jirtay dadkii bandhigyada heesaha ka sameynayay dhammaan jasiiradihii uu markabku sii marayay. Laakiin wakhti aad u dheer ka dib ayey Cesaria gaadhay heer caalami ah. Muddo ka dib, nin soo saare ah ayaa ku casuumay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, si ay u duubto album heeso ah, xilligaasna waxay da’deeda ahayd 47 sano.

Waxaa u suurta gashay iney ku caan baxdo hindiseheedii ay dabeecadda uga dhigatay iney dacas la’aan ku heesto, kaasoo ay ku soo jiidatay indhaha dad fara badan oo amuuraha fanka daneeya. Inta badan waxay bandhigyada sameyn jirtay iyadoo sigaar cabeysa, marba marka ka dambeysana, Cesaria way sii caan baxeysay. Waxay sidoo kale bandhig weyn ka sameysay magaalada London, halkaasoo ay ku iibisay 300,000 oo koobi oo ka mid ah albumkeedii la magac baxay “Miss Perfumado”. Waxay ahayd halyeeyad ku dhex jirtay qurbe joogta dalka Cape Verde, heesaheeduna dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dalkeeda ku saabsan oo murugo leh. Sannadkii 2003-dii, waxay ku guuleysatay abaal marinta caalamiga ah ee Grammy, oo la siiyo dadka guulaha ka gaadhay howlaha fanka. Cesaria, waxay geeriyootay 17-kii bishii Diisambar  ee sannadkii 2011-kii, iyadoo markaas ay da’deedu ahayd 70 sano, waxayna ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaalla isla waddankeeda Cape Verde.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here