Qaabka Muqdisho Loogu Qaabilay Dhallinyaradii Toddobaadkan Magaalooyinka Somaliland Ka Tagay, Mashruucii Is Dhex Galka Oo Meel Layaab Leh Maraya Iyo Qorshe La’aanta Xukuumadda

0
142
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho, August 27, 2018- (Foore)- Qorshihii is dhex galka Soomaalida ee dawladda Soomaaliya ku wajahaysay guud ahaan shacabka Somaliland qaybihiisa kala duwan (Somali Integration Program) haddii ay tahay Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Dhallinyarada iyo wax-garadka ayaa waxa uu marayaa marxalad khatar ku ah qaranimada Somaliland wakhti aanay xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE haba yaraatee aanay ka lahayn wax siyaasad ah oo cad kaliya arrinkoodu ku soo ururo in ay marka xubin dhallinyaro ahi ka soo laabto magaalada Muqdisho ay xabsiga dhigaan muddo kooban kadibna ay iska soo daayaan.
Mashruucan oo ay hore u bilawday xukuumaddii hore ee dalkaasi Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena uu dardar galiyay Madaxweynaha wakhtigan ee dalkaasi Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxa uu noqday mid Muqdisho laga mahadiyey marka laga hadlayo sida uu u wajahay gaar ahaan dhallinyarada noocyadooda kala duwan haddii ay tahay kuwo xilal laga siiyo maamulkaasi iyo haddii ay tahayba kuwa arrimaha bulshada ka shaqeeya sida qalinlayda iyo suugaanlayda walina ay sii socoto in hadba qof dhallinyaro ah oo Somaliland ka tagay halkaasi lagu buunbuuniyo lalana kulansiiyo Madaxda maamulkaasi.
Halisaha Mashruucan ayaa noqday in uu si xawli leh u abbaaraya dhallinyarada bulshada dhexdeeda ku firfircoon gaar ahaan aragtiyahooda iyo waxa ay qabtaana ku faafiya baraha xidhiidhka Bulshada si ay saamayn weyn ugu yeeshaan inta kale ee ku xidhan ama qofkaasi taqaana.

Dadaaladii ugu dambeeyey ee uu Mashruucani sameeyey oo Wargeyska Foore baadhitaan gaar ah ku sameeyey waxa ka mid ah middii uu toddobaadadii ugu dambeeyey si weyn uga hawl galay aasaaaha Carwada Buugaagta Muqdisho Maxamed Diini kaasi oo xukuumadda Soomaaliya sannadkan si gaar ah ugu xil saartay in uu qaabilo dhallinyarada Somaliland looga gacan haadiyey ee Muqdisho isku shubtay kuwaasi oo Hablo iyo Wiilalba lahaa kana kala tagay Magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood. Dhallinyaradan oo lahgu sawiray in ay ka qayb galayaan Bandhigga Buugaagta Muqdisho oo Bishan lagu qabtay Magaaladaasi balse ka qayb galay kulamo hoose oo barnaamijka Somaliland nacsiinta ah lagu shubayay.
Maxamed Diini ayaa waxa uu dhammaan dhallinyaradii Magaalooyinka Somaliland ka tagay ku qaabilay Guryo gaar ah oo la dajiyey sidoo kalena la siiyay qaddar lacago ah qaarkoodna lala kulansiiyay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Xubno isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno. Waxaana intooda badan loo ballan qaaday shaqooyin iyo waxbarasho bilaash ah halka kuwooda ugu firfircoon lagu dhiirri geliyey in ay baraha Bulshada dhallinyarada kaga habaan afkaar loogu laqimay soo noolaynta wax ay ugu yeedheen Midnimo Soomaaliyeed.


Dhinaca kale Waraysi uu Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir Toddobaadkan siiyey Telefishanka UNIVERSAL arrimaha layaabka leh ee uu kaga hadlay waxa ka mid ahaa in uu sheegay in Somaliland qaabka loo wajahay meel wanaagsan marayso is baddal weynina ka muuqdo isaga oo sheegay in Somaliland arrinkeedu meel wanaagsan xukuumadda hadda Muqdisho joogtaa marinayso sannadaha dhawna ay filayaan in ay guul ka gaadhaan qorshahooda.
Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo ka mid ahaa raggii ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo arrinta Somaliland ka hadlaya wakhtigan waxa yidhi: “Somaliland iyo Soomaaliya in ay isku soo laabtaan duroofo badan ayaa keenaya oo meel wanaagsan ayay maraysaa. Reer Woqooyigu waxa ay aaminsan yihiin in xalka mushkiladoodu ku xidhan tahay wada hadal ay Muqdisho la galaan. In la aqoonsadaa arrin hadda sii yaraanaysa weeyi. Siyaasiyiinta kali ah maaha, waxa ku jira Ganacsatada, Culimaa’u-diinku ay ku jiraan, Ururrada Haweenku ay ku jiraan, Suugaanlaydu ay ku jiraan, siyaasiyiintuna ay hormuud iyo tusaale u noqdaan, waxa la innooga baahan yahay in aan kalsoonida soo celino taasi oo meel wanaagsan maraysa”.
Waxa haddaba is waydiin mudan marka laga hadlayo Mashruucan, siyaasad noocee ah ayay xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE ku wajaheen oo aan ka ahayn in ay kolba xubinta Muqdisho tagta ee ka soo laabata xabsiga dhigaaan muddo kooban kadibna iska soo daayaan. Waxa muuqata in aanay jirin wax xukuumaddan talada haysa iyo tii horeba uga meel yaallay arrintani iyada oo uu ugu dambeeyey wiilkii dhallinyarada ahaa ee toddobaadkan lagu qabtay Magaalada Hargeysa kaasi oo la sheegay in uu shaqaale ka yahay xafiiska Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo isaga laftiisu ka mid ahaa aqoonyahankii reer Hargeysa ee maamulkaasi ku biiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here