Puntland Oo Deegaannadeeda Ka Mamnuucday Wax Dhaqdhaqaaq Ah Oo Ay Ka Sameeyaan Wasiirrada Federaalka Soomaaliya Iyo Wasiir Shir Laga Joojiyey

0
103
Lawadaag Asxaabta...

Garoowe, October 08, 2018- (Foore)-  Wakhti uu sii xumaanayo xidhiidhka u dhaxeeya Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo Dawladda Dhexe ee dalkaais Soomaaliya ayaa waxa shalay maamulka Puntland qaaday tallaabo uu kaga mamnuucayo maamulkooda wax hawlo ah oo ay ka qaban karaan wasiirrada dawladda Federaalku kadib markii ay shalay galab mamnuuceen shir uu Garoowe ku qaban lahaa Wasiirka Qorshaynta ee Dawladda Soomaaliya ee Muqdisho fadhida Md. Jamaal Maxamed Xasan.

Maamulka Puntland waxa ay shalay galab baajiyeen shir uu dhalinyarada jaamacadaha ku yaal Puntland uu la qaadan lahaa wasiirka qorsheynta ee dowlada fadaraalka Soomaalia Jamaal Maxamed Xasan oo shalay xubin xildhibaanada aqalka hoose ah loogu doortay Garoowe.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali oo ay BBC la xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay in shirkaas la joojiyay, waxuuna sababta shirka loo joojiyey uu ku sheegay xidhiidhka Puntland iyo dowlada dhaxe oo go’an kadib markii maamul goboleedyada Soomaaliya ay xidhiidhka wada shaqaynta ah u jareen dawladda Muqdisho.

Waxaa kale oo kulanka ka qayb gali lahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, haddana ah la taliyaha Ra’isalwasaaraha maamulka Muqdisho Xasan Cali Kheyre.

Shirka wasiir Jamaal Maxamed Xasan uu la yeelan lahaa ardayda jaamacadaha maamul Goboleedka Puntland waxaa lagu qaban lahaa Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe.

Wasiirka Qorshaynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku guulaystay kursiga baarlamaanka ee beeshiisa, kaasoo uu baneeyey xildhibaankii hayey. Doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ayaa wuxuu Jamaal Maxamed Xasan helay 49 cod, laba codna waa ay ka xumaatay, halka murashaxii la tartamayey aanu waxba helin. Kursiga waxaa hore u hayey Dhahar Cali Faarax Dhahar oo 26ka bishii hore loo magacaabay inuu qunsul ka noqdo dalka Jabuuti.

Waxa sii xumaanaya xidhiidhka u dhaxeeya maamulka Muqdisho iyo dawlad goboleedyada dalkaasi Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here