Prof Cabdisalaan Yaasiin Oo Shaaca Ka Qaaday Inaan Muuse Biixi Wixii Laga Filayay Laga Hayn, Halkoodiina Ay Wali Taagan Yihiin Musuq Maasuqii Iyo Maamul Xumaddii Laga Cabanayay

0
113
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 23, 2018 –(Foore)- Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka dalka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Hungo laga taagan yahay Hogaamintii Madaxweyne Muuse Biixi oo aan wixii laga filayay ee dhinaca Maamulka Dawladinimada ah aan laga hayn,Waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in Musuq maasuqii iyo maamul Xumadii dawladnimo ee laga cabannayay ay halkoodii taagan yihiin,Waxa uu intaasi raaciyay in Xiitaa dhinaca Hay’addihii dawlada ee la doonayay inuu soo koobo uu sii faro badiyay taasina aanay ahayn qorshii Xukuuumaddan Cusub laga filayay.

Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sidan ka sheegay waraysi khaaska ah oo uu siiyay Telefishanka Caalamiga ah ee Star,Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Xukuumadda Muuse Wax weyn weyn ayaa laga filayay,sababta looga filayayna waxay ahayd Xisbigii Kulmiye ee uu ay Xukuumaddanina ka soo baxday Todobada sanadood iyo badh ayuu dalka xukumayay,mudadaasi waxaa jiray Cabashooyin aad u badan,Horumar wuu dhacay laakiin Kafada Horumarka iyo kafada Cabashooyinka markaad eegto Kafada Cabashooyinka ayaa badnayd,markaa Muuse Fursad weyn ayuu haystay,waxaa laga filayay inuu isagu dar dar Cusub sameeyo,oo uu cabashooyinkaasi soo taxnaa daweeyo,Tusaale ahaan waxaa jiray Musuq maasuqa oo uu sheegay inuu wax ka qabanayo haddana illaa hadda Wax badan oo muuqda oo laga qabtay majiro”. Waxa kale oo uu  yidhi isagoo Siyaasi Cabdisalaan Yaasiin hadalkiisa sii wata“Waxaa jiray Maamul Wanaagga iyo Dawlad dhiska,Dawladii way balaadhatay,xiitaa dawladii ugu horaysay ee Muuse Biixi in la yareeyo ayaa la doonayay oo iyadda lafteedii way balaaladhatay,Waxaa ka mid ah Sicir bararka,sicir bararku Cilmi ayuu u baahan yahay,Cilmigiina waa uu inoo yaalaa,dadkii yaqaanayna waan haysanaa,Maamulkeedii uunbaynu u baahanahay,Wasaaradda Maaliyadda ha ahaato,Baanka ha ahaato,dadkii way joogaan cilmiga lahaa ee Reer Somaliland”.

Waxa jira Dhaliilo isasoo taraya oo ka soo yeedhaya Aqoonyahanka Dalka iyo badi Shacabka Reer Somaliland kuwaasi oo ka dayrinaya hanaanka Maamul ee ay Xukuumaddani Cusub wax u wado,waxa kale oo ay aad uga dayrinayaan sida aanu Madaxweyne Muuse Biixi uga dhabayn balan qaadayadii uu ololaha ku soo galay sida la dagaalanka Musuq Maasuq iyo Maamul wanaagga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here