Nuxurka War-murtiyeed ka soo baxay Kulankii Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Hawlaha Gargaarka Bani-aadamnimo

0
60
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa (Foore)- Kulankii ballaadhnaa ee ay isugu yimaaddeen Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo ay soo abaabushay kana soo shaqaysay dalladda Jilayaasha Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF oo lagaga hadlayay hawlaha Gargaarka Bani aadamnimo ee xaaladaha duufaanihii Somaliland ku dhuftay ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ballaadhan oo ku saabsan aragtida iyo waxqabadka ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland eek u aaddan xaaladdan.

War-murtiyeedka oo ka soo baxay Xafiiska Dalladda SONSAF oo saxaafadda la soo gaadhsiiyay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Kulanka Ururka Bulshada Rayidka ah ee Hawlaha Gargaarka Bani’aadaminimo

  1. Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay dhawr iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey dedaal weyn ka muujiyeen ka qayb-qaadashada dhismaha nabadda, dhismaha dawladeed, hirgelinta isku xukunka sharciga, maamul wanaagga, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Wakhtigaas, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha aan dawliga ahayn waxa ay ka qayb-qaateen xaaladihii adkaa ee dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland.

 

  1. Hannaanka horumarka Somaliland ayaa waxa caqabad ku noqotay dhibaatooyin waawayn sida abaaraha soo noqnoqonaya iyo maasiibooyinka dabiiciga ah sida Duufantii “Sagar” halkaas oo dadka xoolo dhaqatada ah iyo beeralaydaba ay waxyeelo weyn ka soo gaadhay iyagoo ku waayay hantidoodii sida xoolo, beero iyo guryaba. Bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku talinaysaa in hay’adaha caalamiga ahi ay dib-u-eegis ku sameeyaan gargaarka bini’aadannimo ee la siiyo Somaliland iyagoo taabba-gelinaya gargaar bini’aadanimo iyo mid horumarineed oo si mug leh uga jawaabi kara baahiyaha waawayn bini’aadminimo ee maanta ka jira Somaliland.

 

  1. Masiibada duufaantii “Sagar” waxa ay dhib u geysatay dad gaadhaya 184,000 oo qoys kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah iyo adeegyadii aasaasiga ahaa sida cunto, hoy, biyo nadiif ah, caafimaad iyo in dib loo dhiso adeegyadii ay burburisay duufaantu.

 

  1. Arrintaasna, ururada bulshada rayidka ahi waxa ay u arkaan in jawaabta hay’adaha caalamiga ahi ay tahay mid aan halkii la doonayay gaadhin, iyadoo kumanaan dadka reer Somaliland ah ay ku jiraaan xaalad adag oo bini’aadminimo, waxaana jira dad badan oo gudaha ku barakacay oo aan daryeel helin isla markaana aan haysan baahiyaha asaasiga ah sida hoyga, cuntada, biyaha, waxbarashada, fayadhowrka, iyo adeegyada caafimaadka.

 

  1. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay baaq nabadeed u dirayaan beelahii xurguftu ku dhex martay Deegaanka Ceel-Afweyn iyagoo ugu baaqaya in dhinacyada xurguftu dhex martay wada hadal ku dhameeyaan wixii xurguf ah ee dhexdooda taala. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxa ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dedaal kasta oo lagu daminayo colaadaas. Colaadaas oo saamaysay dad ay hore u saamaysay abaarihii isdaba jooga ahaa ee dalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here