Nin Muslim Ah Oo Dalka Hindiya Loo Dilay Neef Lo’ Ah Oo Uu Gawracay Iyo Cabsi Laga Qabo In Ay Isku Dhacaan Laba Qawmiyadood

0
140
Lawadaag Asxaabta...

Nin muslim ah oo ay da’diisu dhexdhexaad tahay oo saxibbadii la socda xilli habeennimo ah ayaa waxaa soo weerarary nin Hinduu ah oo budh sitay. Wuxuuna la dhacay ninkii muslimka ahaa budhki uu sitay ilaa ay naftu ka baxdo. Mid ka mid ah ninka dhintay saaxiibadii oo uu dhaawac culus halkaa ka soo gaadhay ayaa yaalla Isbitaal.

Weerarkaasi ayaa wuxuu abuuray cadho aad u weyn maadaamaa ninkaasi muslimka ah uu naftiisa ku waayey Neef Sac ah oo uu dilay. Waana dhacdo qariib ah oo mar kale ka dhacaysa dalkaasi Hindiya oo maalin walba kumannaan qiso oo layaab leh ka dhacaan maadaama uu yahay waddan ay ku nool yihiin dadka labaad ee adduunka ugu tirada badani iyada oo ay ka badan yihiin oo kali ah dadka dalkaasi Shiinuhu.

Qoyska ninka dhintay waxa ay diideen inuu wax khalad ah sameeyey, ninka dhaawacmayna waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu sac gawracay. Waa laba arrimood oo kaaf iyo kala dheeri ah qolo Neefka saca ah u aragta wax barakaysan oo la caabudo iyo qolo u aragta neef xoolo ah oo aan macno kale lahayn.

Lo’da ayaa si weyn looga xurmeeyaa Gobolka Madhya Pradesh si la mid ah gobollo badan oo ka mid ah dalka Hindiyada iyada oo dalka Hindiyana ay sharci darro ka tahay in lo’da la dilo.

Muslimiinta dalka India oo lo’da siyaabo kala duwan u isticmaasha ayaa marar badan dhibaatooyin kala kulma dadka hinduuga ah ee gaar ahaan Lo’da ka barakaysta.

Booliska gobolka Madhya Paradesh ayaa heegan la geliyey iyada oo aad looga cabsi qabo inay muslimiinta iyo Hinduuga iska hor keento iyada oo hadda ka hor ay iska horimaadyo ka dhasheen arrimo noocan oo kale ah ay dad badani ku dhinteen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here