Nin Ilaalo U Ahaan Jiray Osama Bin Ladin Oo Laga Musaafuriyay Dal Yurub Kuyaalla Iyo Sababta!

0
119
Lawadaag Asxaabta...

Frankfurt, July 14, 2018- (Foore)- Dowladda Jarmalka ayaa shalay oo Jimce ahayd dalkeeda ka musaafurisay nin kasoo jeeda dalka Tuniisiya oo mar ahaan jiray waardiyaha gaarka ah Hogaamiyihii la dilay ee Ururka Al Qaacida Osama Bin Ladin. Waxaa shalay garoon ku yaalla magaalada Düsseldorf ee dalka Jarmalka diyaarad laga saaray Saami oo sanado badan dalka Jarmalka kula noolaa Qoyskiisa, waxaana masaafurintan ninkan ay dhacday xili Maxkamadi amartay in aan la musaafurin Saami. Sargaal ka tirsan maxkamadda amartay in Sami aan la musaafurin ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda la gaadhisiiyay xukuumadda xilli dambe taasi oo sababtay in dowladda dalkaasi si deg deg ah u musaafuriso ninkan. Ninkan mar kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Sheekh Osama Bin Ladin ayaa dalka Jarmalka galay sanadkii 1997-kii, waxaana tan iyo xiligaasi Saami uu qoyskiisa kula noolaa magalao kutaala dalka Jarmalka.

Booliiska dalka Jarmalka ayaa ninkan xidhay dabayaaqadii bishii hore ee June kadib markii Waaxda Socdaalka dalka Jarmalku ay go’aamisay in la musaafuriyo, dowladda Jarmalka ayaana sheegtay in ninkani halis ku yahay ammaanka dalkooda. Saami ayaa hore dowladda jarmalka uga codsaday in aan la musaafurin, waxaanu ninkani sheegay haddii lagu celiyo dalka uu kasoo jeedo ee Tunuusiya in uu la kulmayo jidh-dil iyo dhibaatooyin kale.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa ka gaabsatay in ay baahiyaan magaca buuxa ee ninkan sababo la xidhiidha shaqsiyadiisa, waxaanu ninkan Jarmalka laga musaafuriyay hore u beeniyay in uu wax xidhiidh ah la leeyahay kooxaha jihaad doonka ah oo uu hore uga tanaasulay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here