Nin Boqor Ah Oo Diiddan In Lagu Sameeyo Baadhitaan Dhinaca Dhiiggiisa Ah Oo Aad Loo Danaynayo Natiijada Ka Soo Bixi Karta!

0
232

Boqorkii hore ee dalka Belgium, Albert-ka labaad, ayaa ku gacan saydhay in laga qaado dheecaanka hidda-sidaha DNA-ga, si loo ogaado inuu yahay aabaha gabadh dhalatay dabayaaqadii 1960-meeyadii. Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Brusels ayaa boqorkan xilka ka dagay, oo ay da’diisu tahay 84 sano jir ku amartay inuu muddo 3 bilood gudahood ah ku oggolaado tijaabada dheecaanka DNA-ga loo yaqaano oo la doonayo in lagaga qaado.

Garsoorka ayaa ka digay in haddii uu fulinta amarkaas ku guul darreysto loo fasiran doono inuu isagu yahay aabaha dhalay Delphine Boël, oo hadda 50 sano jir ah. Albert ayaa inkiray sheegashada ku aaddan inuu dhalay Boël waxaana lagu soo warramayaa inuu hadda raadinayo talo dhinaca sharciga ah oo u sahli karta inuu racfaan qaato.  Qareenada u doodaya Ms Boël ayaa soo dhaweeyay codsiga ku saabsan tijaabada dhacaanka DNA-ga.

Boqorkan ayaa sannadkii 2013-kii shaaciyay inuu howl-gab noqonayo, isagoo sheegay iney lasoo darseen xaalado caafimaad darro. Waxa uu xilka ka dagay 21-kii bishii Juulaay ee isla sannadkaas, taasoo ku beegneyd maalinta qaranka ee dalka Belgium.

9-kii bishii August ee sannadkii 1993-kii ayaa loo dhaariyay inuu noqdo boqorka lixaad ee dalka Belgium. Wuxuu xilka la wareegay ka dib markii uu geeriyooday walaalkii Boqor Baudouin, oo markaas ay da’diisu ahayd 62 sano. Ms Boël hooyadeed, oo lagu magacaabo Baroness Sybille de Selys Longchamps, ayaa sheegtay iney xidhiidh jacayl la lahaan jirtay boqorka sidaa darteed ay gabadhan u dhashay oo ay tahay inan uu isagu dhalay.

Muddo 10 sano ka hor ah ayey soo baxday sheegashada ku aaddan in boqorku uu aabe u yahay Ms Boël, arrintaas ayaana fadeexad ku noqotay qoyska boqortooyada ee dalkaasi Baljam. Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in arrintani ay ka mid tahay sababaha ku kallifay inuu xilka boqortooyada isaga dago balse lama oga halka xaajadani ku dambayn doonto iyo sida uu isaga furdaamin karo.

Dadweynaha waddanka Beljam ayaa si weyn u danaynaya natiijada ka soo baxda arrintan iyaga oo sidoo kale tallaabo tallaabo ula socday in muddo ah heerarka ay dacwaddani soo martay. Waxaana la ogaan doonaa maalmaha soo socda in Boqorkani diido rasmi ahaan baadhitaanka iyo in dhiigga laga qaado si loo ogaado in uu gabadhan dhalay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here