Nin Basaas Ah Oo Shaqadiisa Ku Waayay Xidhiidh Jacayl Oo Uu La Bilaabay Gabadh U Dhalatay Wadanka Uu Shaqada U Joogay

0
91
Lawadaag Asxaabta...

Sirdoonka ama basaasnimadu waa hawl adag oo ka mid ah hawlaha dadka adduunka ku nooli qarankooda ama qaramo kale oo dano kaga xidhan yihiin u qabtaan waana mid ka mid ah xirfadaha ugu halista badan ee dadku ka shaqayn karaan.

In badan dadka daraaseeya ama baadha arrimaha sirdoonku waxa ay ka hadlaan xaaladaha ka dhaxayn kara sirdoonka iyo Jacaylka waxaana marar badan laga sheekeeyaa basaasiin gudaha u galay arrimo jacayl oo ay naftoodu halis ku gashay ama guulo kale uga gaadhay arrimahaasi jacayl iyo guud ahaan xidhiidhada kala duwan ee dhex mara haweenka iyo Ragga.

Tani waa mid ka mid ah qisooyinka ugu xiisaha badan muddooyinkii dambena warbaahintu si weyn u hadal haysay waxaanay ka dhacday waddanka Latvia oo ka mid ah dalalka Bariga Yurub.

Qisadani waxa ay ku dhacday nin basaas ah oo ka tirsan Hay’adda sirdoonka waddanka Jarmalka ee lagu magacaabo  BND (Bundesnachrichtendienst) kaasi oo la sheegay in uu shaqadiisii ku waayay xidhiidh jacayl oo qarsoodi ah oo uu la wadaagay gabadh qalanjo ah oo u dhalatay waddankaasi Latvia marar badan oo uu isku dayay in uu shaqadiisii dib u helana ku fashilmay ugu dambayna imika bilaa camal ah walibana qarka u saaran in xabsiga la dhigo.

Warbiixntan oo ay baahisay idaacadda BBC waxa ay xusaysaa in ninkaasi Sirdoonka ah oo u dhashay waddanka Jarmalka shaqada laga caydhiyey kadib markii la ogaaday in uu xidhiidh jacayl oo qarsoodi ah in muddo ah la lahaa haweenay u dhalatay waddanka Latvia.

Ninkaas oo aan magaciisa la sheegin ayaa ahaa madaxa sirdoonka ee caasimadda Latvia ee Riga, laga bilaabo sanadkii 2006 ilaa 2008-dii. Waana xafiiska ay hay’adda sirdoonka ee Jarmalku lu leedahay magaalada Riga ee caasimadda Latvia.

Hay’adda sirdoonka ee Jermalka  BND ayaa ninkaas dib ugu soo celisay dalka Jarmalka ka dib markii uu madaxdiisa u sheegay in uu xidhiidh jacayl samaystay. Wuxuu isku dayay in uu magdhaw u helo afar boqol oo kun oo Yuuro oo soo gali lahayd oo uu waayay, laakiin maxkamad ku taala Munich ayaa tuurtay kiiskiisa waxaana waliba loogu digay in uu xadhig mutaysan karo maadaama isaga oo basaas ah uu xidhiidh jacayl samaystay.

Hay’adda sirdoonka ee dalkaasi Jarmalka ayaa mamnuuc ka dhigtay in shaqaalahood dalka dibadiisa ka shaqaynaya ay cilaaqaad dhow la samaystaan dadka jooga deegaannada ay ka shaqaynayaan. Gaar ahaan xidhiidh jacayl iyo arrimo la mid ah.

Inkasta oo uu ninkani maxkamad ku taalla waddankiisa Jarmalka u gudbistay dacwad uu ku doonayo shaqada laga eryay mushaharkeeda in loo mag dhabo haddana kuma uu guulaysan oo way diidday maxkamaddii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here