Nin 45 Sano Ka Hor Ka Cadhooday Xaas Labaad Oo Aabihii Guursaday Oo Dib Ugu Soo Laabtay Qoyskiisa Iyo Sababta!!

0
139
Lawadaag Asxaabta...

Samuel Wambugu oo isaga tagay guriga qoyskiisa oo ku yaal ismaamulka Nyeri ee badhtamaha dalka Kenya sannadkii 1974-tii waalidkiisuna ay u fisheen in uu geeriyooday ayaa dib ugu laabtay qoyskooda Isniintii la soo dhaafay. Ninkaan ayaa xanaaq kaga tagay degaanka uu ku noolaa kadib markii aabihii uu guursaday xaas labaad taasi oo uu ka cadhooday, waxaana qaraabadiisu ay sheegeen in ay ka sabreen maadaama ay u qaateen in uu geeriyooday.

Shacabka ku dhaqan tuulada uu ka soo jeedo ee Gatundu iyo ehelka ninkan ayaa markii ay arkeen maalintii Isniinta waxay muujiyeen cabsi iyaga oo u maleeyay ruuxa ay arkeen inuu yahay sida qof qabri ka soo baxay oo kale.

Haweenayda Ms Bilha Wahinga oo ay ilmo adeer yihiin ninkan 73 sano jirka ah oo ka furtay albaabka gurigooda ayaa sheegtay in aanay aqoonsan, balse hooyada dhashay ayay sheegtay in ay garatay una xaqiijisay in uu yahay Samuel Wambugu.

Hanaanka iyo dadaalada lagu aqoonsaday ninkaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka qaatay madaxa arimaha bulshada u qaabilsan dowladda Kenya tuulada Gatundu. Ninkan ayaa saaxiibada uu ku lahaa tuulada iyo waalidiintiisa ay geeriyoodeen balse waxaa hadda nool gabadh la dhalatay taasi oo iyadana ku faraxday in walaalkeed ay la midowdo 45 sano kadib. Samuel Wambugu ayaa ka cadhooday hab dhaqanka aabihii oo uu sheegay in dhulka iyo hantida uu lahaa uu gacanta ka galiyay xaaskiisa labaad ayaa tilmaamay in uu u dulqaadan waayay uuna go’aansaday in uu tuulada isaga tago. Markii uu 5 sano maqnaa ayaa aabaha dhalay uu geeriyooday halka hooyadii ay dhimatay badhtamihii 1989-kii. Ninkaan oo dib ugu laabtay tuulada ayaa laba usbuuc ka hor waxaa uu joogay guriga eedadii oo ku yaal degmada Othaya.

Mar wax laga weydiiyay halka uu ku noolaa ayaa waxuu sheegay in qeyb ka mid ah 45-kii sano ee uu joogay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee gobolka rift valley, halkaasi oo uu ku maareyay noloshiisa. Dhanka kale waxaa uu sheegay in uu u safray dalka Uganda ee dariska la ah Kenya balse uu ka soo laabtay markii dagaalo ay ka dhaceen. Sababaha ku kalifay in uu dib ugu soo laabto gurigooda ayuu ku sheegay in ay tahay xanuun la soo darsay uuna ogaaday in uu xiligaan u baahn yahay in caawimaad uu helo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here