Nadaafadda Biyaha Iyo Saamayntooda Caafimaad!- Waxa Diyaariyey Shirkadda Pure Living Co.

0
90
Lawadaag Asxaabta...

Khubarada Caafimaadku waxa ay isku waafaqsan yihiin in caafimaadka qofka marka laga hadlayo ay qaybaha ugu muhiimsan tahay in qofku helo Biyo Nadiif ah oo uu ku noolaado. Helitaanka Biyo Nadiif ah ayaa aad ugu adag guud ahaanba Geyiga Soomaalidu degto gaar ahaan deegaamada Somaliland sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in qofku ku dadaalo si kasta oo uu ku heli karo Biyo Nadiif ah oo faya-dhawrkoodu wanaagsan yahay. Taasna waxa kaa caaawin karta Shirkadda Pure Living oo kuu keentay markii ugu horraysay dalka Qalab biyaha kuu nadiifinaya oo ay isticmaali karaan qofka kali ah, qoyska iyo guud ahaan koox meel wada joogtaa.  Wakhti dalkeenu baahi weyn u qabo helitaanka biyo nadiif ah.

Biyo Nadiif ah:

Khubarada Baadhitaannada ku sameeya sida ay dadku u helaan Biyo Nadiif ah ayaa warbixintoodii ugu dambaysay waxa ay ku sheegeen in Heerka nadaafadda biyaha ay cabaan dadka Dunida guudkeeda ku nooli tahay sidan:

In ka badan 50,000 oo Ceel biyood ah ayaa sannadkii ugu dambeeyey laga sameeyay dunida guudkeeda iyada oo tijaabada heerka nadaafadda biyaha ay Dadku Cabi karaan ee la sameeyey lagu ogaaday mid aad hoosaysa gaar ahaan dalalka saboolta ah iyo kuwa soo koraya.

Waxaana layaab noqotay in Waddamo ay ka midyihiin Mareykanku ay safka dhexe ku jiraan.

178 Waddan oo sahanka nadaafadda biyaha laga sameeyay ayaa lagu soo ogaaday in inta badan Waddamada horumare u maray dadkoodu ay haystaan biyo nadiif ah 100% halka waddamo kale oo badani ay la tacaalayaan in ay helaan biyo nadiif ah oo ay afka saaraan.

Mareykanku waxaa uu galay kaalinta 36aad ee Dalka ay dadkiisu heystaan biyaha nadiifta ah, waxaana tirada boqolleyda Mareykanka ee biyaha nadiif ah heli karta ay gaadhaysaa Boqolkiiba Siddeetan iyo Lix (86%).

Waddamada sahankan laga sameeyay waxaa ka mid ah Dhulka Soomaalidu Degto ee Geeska Afrika waxaana ay gashay kaalinta 178aad,taas oo ka dhigan in ay noqotay deegaamada dadkiisu aanay haysan biyo nadiif ah oo ku filan.

Tirada boqolleyda Dadka Soomaalida ah ee heli karta biyo nadiif ah ayaa Mareegta Tap Water Database, waxaa ay ku sheegtay in ay gaadhayaan 1.29%. oo u dhiganta in Boqolkii qof ee Soomaali ahba ay biyo nadiif ah helaan wax ka yar Laba qof.

Cudurada Ka Dhasha Biyaha Wasakheysan:

Biyaha wasakhaysan ayaa kaalmaha ugu horreeya kaga jira arrimaha bani aadamka u keena cudurrada ugu badan.

Tirada dadka sanadkii u dhinta  cudurrada ka dhasha biyaha wasakheysan.

Cuntooyinka la cuno waxay ka koobanyahiin

Hababka ay biyuhu ku wasakhoobaan

-Ilaha laga helo biyaha

Nadiifinta biyaha wasakhoobay

Cilmi baadhis ay samaysay Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in 80% ay wadamada aan horumarin ee dalkeenu ka midyahay cudurada ku dhaca ay ka dhashaan biyaha wasakheysan, halka maalintii u dhintaan cuduradaas 30.000 oo qof oo dunida ku nool cuduradan, waxaana ka mid ah sida shubanka isla markaana waxay ku badan yihiin caruurta ay da’doodu shanta sano ka yar tahay maadaama awoodooda difaacu hooseeyo sidaa darteed waxa lagama maar maan  ah in la ilaaliyo nadaafadda biyaha, waayo biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin nolosha bini-aadamka.

Sidoo kale cilmi-baadhis ay samaysay hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) gaarna ay ka samaysay deegaamada Soomaalidu degto ayaa sheegaysa in 30% dadka Soomaalida ahi ay helaan biyo nadiif ah, halka 70% aanay heli Karin kubaayad biyo ah oo nadiif ah.

Biyuhu waxay ka kooban yihiin boqolkiiba 50 ilaa 70 miisaanka jidhka qofka qaan-gaadhka ah. Haddii aanu qofku cabin biyo waxaa soo koobnaanaysa waqtiga uu noolaan karo. Biyuhu waxay gacan ka geystaan kobaca jidhka. Waxay sidoo kale gacan ka gaystaan hababka wasakhda looga saaro jidhka, xaddiga kulayka ee jidhka .

Biyuhu marka ay jidhka ka baxaan, oo ay raacaan kaadida, saxarada iyo dhididka, waxaa qasab noqonaysa in biyahaasi dib loo cusboonaysiiyo, qofka waxaa uu markaas u baahanayaa in uu cabo sharaab, sida biyaha, shaaha iyo cabitaannada noocyada kala gedisan ah.

Halkee Buu Jidhku Biyaha Ka Helaa?

Jidhka Bani Aadamku waxa uu Biyaha ka helaa saddex ilood:

Isha Koowaad oo ah cabitaanka caadiga ah sida biyaha iyo cabitaannada kale (shaaha, shaarbada iyo wixii la mid ah).

Waxaa kale oo uu jidhku ka helaa biyaha cunnada caadiga ah ee la cuno siiba qudaarta (Xitaa cunnada sida roodhida waxay leedahay qeyb yar oo dareere ah). Inta badan dadka caafimaadka qaba ee qaangaadhka ah inta u dhaxeysa Litir iyo badh illaa saddex Litir oo biyo ah ayey u baahan yihiin maalintiiba marka waa in qofku hiigsadaa inuu cabo ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah maalintiiba. Intaas waxaa u dheer qofku in sidoo kale uu cabo cabitaannada kale sida shaaha iyo sharaabka kale ee la sameeyo. Biyuhu waxa ay qofka ugu fadhiyaan qiimo ballaadhan oo caafimaad la’aantoodna nololi ma jiri karto. Ilaahay SWT qur’aankiisa Kariimka ah waxa uu innoogu sheegay in uu Nolosha oo dhan ka dhigay Biyo. Waxaanay taasi caddaynaysaa qiimaha Biyaha. Biyuhu haddaba in ay nadiif noqdaan ayaa ah aasaaska caafimaadka bani aadamka waxaana la xaqiijiyey in dadka aan heli Karin biyo nadiif ahi in ay mar walba la kulmaan xanuunno halis ah oo faafa waana ta keentay in dadka biyaha wasakhaysan cabbaa ay qaadaan cudurro kala duwan oo saamayn weyn oo taban ku yeesha caafimaadkooda. Wadankeena inyar baa hesha biyo nadiifa.              …..La Soco Qaybo Kale

Qalabka Biyaha Nadiifiya ee ay kuu keentay PURE LIVING CO.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here