Muxuu Michael KEATING Ku Sifeeyey Dadka Soomaalida Ee Uu Kula Yaabay Mudadii Uu Qaramada Midoobay U Joogay

0
312
Lawadaag Asxaabta...

Nairobi, September 13, 2018- (Foore)- Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobw u joogay Somaliland iyo Soomaaliya ee hadda xilkaas banneeeyay, Michael Keating ayaa wariyaha BBC-da qaybteeda Luuqadda Ingiriisida Marry Harper uga warramay arrintii aadka uga yaabisay intii uu Soomaalida ka shaqeynayey isaga oo Soomaalida ka sheegay wax uu isagu aad ula yaabay oo ay dhaqan ahaan ama dabci ahaan u leeyihiin.

Michel Keating oo isna markii hore beddelay Nicolas Kay oo u warramaya Marry Happer waxa uu yidhi: “Waxa aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ah in Soomaalida waa dad aad dood kulul la gali karto hadana waxyar kaddib ay noqonayaan kuwo illaaway wixii idin dhexmaray oo halkii ay saaxiibtinimadiinu ka sii soconeyso.”

Ergaygii hore ee qaramada Midoobay u joogay Somaliland iyo Soomaaliya Michel Keating Waxa uu sheegay in dadka Soomaalidu yihiin kuwo aan aqoon wax niyadda lagu sii qaado, oo durba ay iska noqonayaan dad caadi ah oo illaaway wixii idin dhex maray.

Keating oo uu toddobaadkii hore ay uga ekayd xilkii ergeynimo ee uu Qaramada Midoobey ugu qaabilanaa Soomaalida ayaa wareysigiisa lagu sii daayey barnaamijka Focus On Africa ee habeen hore ka baxay BBC World Service.

Dhinaca kale, Keating waxaa sagootin wanaagsan u sameeyey qaar ka mid ah madaxda dawladda Muqdisho ee Soomaaliya sida ra’iisul wasaaraha dalkaasi Xasan Cali Kheyre halka uu sidoo kale si qadarin leh u sharfay doorkiisii diblomaasiyadeed ergeyga Midowga Africa u fadhiya Soomaalida Nicholas Madeira.

Michel Keating mudadii uu Soomaalida u joogay ee uu ergayga ka ahaa qaramada Midoobay waxa lagu xasuustaa sidii uu in badan uga xaglin jiray xaaladda dhabta ah ee Somaliladn isaga oo aad ula soo shaqeeyey maamulka Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here