Muuse Biixi Oo Durba Qaaday Jidkii Xukuumaddihii Ka Horeeyay Ee Umadda Nacsiiyay Dawladnimada, Wasiirradii Ugu Badnaa Oo Shalay U Galbiyay Boorama Iyo Xafiisyadooda Oo Haawanayay

0
378
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 06, 2018- (Foore)-         Safarkii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Shalay ugu baxay Boorama ee uu kaga qayb galay Munaasibada Arday ka qalin jabisay Jaamacada Camuud ayaa waxa Hargeysa ka galbiyay Wasiiraddii ugu badnaa,waxaanay arintaasi muujisay kala duwanaanshiyo la’aanta Xukuumaddihii ka horeeyay oo aad loogu dhaliili jiray falalka noocan oo kale ah oo bulshada nacsiiyay dawladnimada.

Wasiiradda iyo Masuuliyiinta kale ee dayacay shaqadoodii ee Safarkan ku wehelinayay Madaxweynaha Shalay oo wakhtigii ay shaqayn lahaayeen ku soo qaatay Boorama,qaarkoodna  Xalay udhaxeen ayaa waxa ka mid ahaa; Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye,Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha  Maxamed Sacad Iidle Saajin,Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Maxamed,Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed, Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile,Maareeyaha Hay’adda horumarinta wadooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed iyo Masuuliyiin door ah oo kale oo ay kujiraan Agaasimayaal Guud.

Dhacdooyinka Noocan ah ayaa muujinaya masuuliyad daro iyo dareen la’aan iyo dayacaad dhinaca shaqada ah,waxaanay ka mid tahay waxyaabaha Bulshada Somaliland nacsiiyay Dawladnimada iyadoo si weyn dhacdooyinka noocan ah loogu yaqaanay Xukuumaddihii tan ka horeeyay oo si baraad li ah marba Goobta uu Madaxweynuhu safar ku joogo si jaantaa wadhan ah ay u uugaami jireen Masuuliyiinta Xilalka hayaa,gaar ahaan waxa falalkan iyo nidaamyada noocan ah lagu yaqaanay oo ay soo shaac bixi jireen dhamaadka Muddo xileedka Xukuumaddihii tan ka horeeyay, balse waxa ay dadka aadka ula socda siyaasada Somaliland ay shalay ku noqotay layaab iyo u qaadan waa kadib markii ay shaashadaha iyo baraha bulshada ka daalacdeen Madaxweyne Biixi oo ay hareero yaacayaan masuuliyiin tiro intaasi leeg ahi oo ay baneeyaan Xafiisyadooda,taasi oo aanay marnaba ka filayn.

Arintan ayaa foolxumo ku ah Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inay waxaasi oo wasiiro iyo Masuuliyiin ahi baneeyaan xafiisyadooda oo ay hareero yacaan ama ay galbiyaan isaga, waxaanay Muujinaysaa sida aanu ugu diyaarsanayn inuu ka dhabeeyo go’aamaddii iyo waxyaabihii ay bulshadu ka filayeen oo ay kaw ka ahayd in la dhaqaajiyo oo la dar dar galiyo Hawl maalmeedka Hay’addaha Qaranka. Dhinaca kale Waxa maalinba maalinta ka dambaysa hoos ugu sii dhacaysa rajadii ay bulshadu ka qabtay Hogaaminta Muuse Biixi oo dadku intooda badan ama intii u codaysay ka filayeen inuu sharciga saraysiiyo,islamarkaana uu wax walba ka horaysiiyo Danaha iyo adeegga Qaranka.

Siyaasiyiinta sida dhaw ula socda Hanaanka Hogaamineed ee Muuse Biixi ayaa ku hoosta ka xariiqa inaanu wax qorshe ah oo Hogaamineed oo u diyaarsanaa aanu jirin oo aanu ka faa’iidaysan god daloolooyinkii uu u soo taagnaa ee Xukuumaddihii ka horeeyay balse keli ah uu bartilmaameedkiisu ahaa inuu Kursiga dalka ku guulaysto oo uu Maruun Madaxweynaha Somaliland noqdo,taasina ay keeni karto inay kasoo ifbaxaan waxyaabo badan oo ay Bulshadu layaabto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here