Muuse Biixi Ma Meel Marin Doonaa Xeerka Qandaraasyada Qaranka Wakhti Shacabku Khaati Ka Taagan Yahay Hannaanka Loo Musuqo Qandaraasyada Qaranka

0
70
Lawadaag Asxaabta...

Hargaysa, September 3, 2018- (Foore)- In Muddo ah shacabka Somaliland waxa ay dhibaato weyn ku qabaan Musuqmaasuqa ragaadiyey dalka iyo sida xukuumadihii kala dambeeyey dad gaar ah ugu naas nuujiyaan qandaraasyada qaranka laga helo ee ay ahayd in umaddu u sinnaato oo qof kastaa ku tartamo si caddaalad ahna loogu kala guulaysto balse taasi aanay dhici jirin. Iyada oo ay taasi jirto walina xukuumadda cusubi aanay wax cad oo muuqda ka odhan qorshaheeda ugameel yaalla cabashadaasi ayaa waxa shalay Golaha wakiiladu ansixiyey xeerka Qandaraasyada qaranka oo wax weyn ka tari lahaa haddii uu dhaqan galo oo xukuumaddu sida uu yahay u fuliso.

Fadhigii shalay ee golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland uu shirguddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaasha waxa ay Cod Gacan taaga ah ku meel mariyeen xeerka qan-daraasyadda qaranka oo mudooyinkii u dambeeyay horyaalay mudanayaasha wakiilada.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay Natiijadda Gacantaaga ay mudanayaasha golaha wakiilada somaliland u sameyeen ansixinta xeerkan qan-daraasyadda qaranka somaliland.

“Fadhigan oo ay ka soo xaadireen sagaal iyo afartan mudan ayaa xeerkan waxa cod gacan taaga ku meel mariyay shan iyo afartan mudane afar mudane ayaa ka aamusay guddoomiyahuna muud coday sidaas ayaa uu ku dhaqan galay xeerka qan-daraasyadda qaranka somaliland” sidaas ayaa uu yidhi guddoomiye Baashe Maxamed Faarax. Xeerka qan-daraasyadda qaranka Somaliland ayaa waxa hore wax ka badal iyo kaabis ugu soo sameeyay mudanayaasha aqalka golaha guurtidda somaliland,waxaana ay mudanayaasha aqalka golaha wakiilada xeerkan saaka ku ansixiyeen cod aq-labiyad leh. Waxaana xeerkan laga sugayaa in uu meel mariyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here