Muslimiinta Ku Nool Ingiriiska Oo Korodh Xawli Leh Ku Socda

0
82
Lawadaag Asxaabta...

Iyada oo ay sannadba sannadka ka dambeeya kor u sii kacayaan dadka Muhaajiriinta ah ee ku sii qulqulaya wadamada reer Yurub gaar ahaan wadanka Ingiriiska ayay kor u kacday nisbadda korodhka dadka muslimiinta ah ee ku dhalanaya ama ku tarmaya wadanka Ingiriiska iyada oo ay daraasaddii ugu dambeysay ee arrinkaasi lagu sameeyaa muujinayso in 10-kii caruur ahba ee ku dhasha wadanka Ingiriiska 8 ka mid ahi noqdeen Ubad Muslimiin ah, waana korodh xawli weyn ku socda oo walaac weyn ku haya dadka sida weyn uga soo horjeeda dadka soo galootiga ah iyo xisbiyada u doodda in wax laga qabto dadka soo galootiga ah ee ku soo qulqulaya wadanka Britain.

Daraasad lagu soo beegay sanandka cusub ee 2018, urur ka shaqeeya dhinaca tiro-koobka Arrimaha Bulshada oo ka hawl gala wadanka Ingiriiska ayaa sida ay baahisay shabakadda Channel 4 ee dalka Ingiriiska sida weyn looga daawadaa waxa ay soo saareen natiijo baadhitaan ah oo ay ku sameeyeen ubadka dhasha iyo dhalasho ahaan dadka ay ka soo jeedaan waxaanay xaqiijiyeen in dadka Muslimiinta ah ee dalka Britain noqdeen ugu taranka badan dadka dalkaasi ku nool iyada oo korodh weyni ku yimid ubadka Muslimiinta ah ee dhalanaya marka la barbar dhigo ubadka kale ee dadka Kiristaanka ahi dhalayaan ama diimaha kale haystaa.

Dr. David Colman oo Bare Sare ka ah jaamacadda Oxford ee dalka Britain ayaa Channel4 u sheegay in korodh weyni ku imanayo dadka soo galootiga ah gaar ahaan dadka islaamka balse wali diinta Islaamku tahay tan ugu weyn dalka Britain celcelis aad u sarreeya oo aan marnaba la soo hawaysan Karin. Dr. David waxa uu sheegay in diimaha Muslimka iyo Hinduusku yihiin kuwa kaalinta labaad ku jira halka diimaha Yuhuudda iyo Buudiisku kaalmaha kale ee ku soo xiga ku jiraan oo ay iyagu aad u yaryihiin xagga korodhka diin ahaaneed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here