Murankii Ka Dhashay Guurka Ninka Muslim Ah Iyo Gabadha Hinduuga Ah Oo Go’aan Rasmi Ah Laga Gaadhay

0
111
Lawadaag Asxaabta...

Maxkamadda ugu Sarreysa dalka Hindiya ayaa xukuntay in haweenay Hinduu ah oo xuddun u ahayd muran ka dhashay guurka dadka kala diimaha ahi ay xaq u leedahay in ay ninkeeda la noolaato.

Hadiya Jahan, oo ay da’deedu tahay 20 jir ayaa waxay ka soo jeeddaa qoys Hindu ah, balse waxa ay qaadatay diinta Islaamka, islamarkaana waxa ay guursatay nin Muslim ah. Qoyskeeda ayaa waxa ay ku doodeen in gabadhooda la duufsaday taasi oo ay sheegeen in ay qayb ka tahay shirqool ka dhan ah diinta Hinduuga. Arrintani ayaa waxay sababtay in maxkamad hoose oo ku taalla dalka Hindiya ay waxba kama jiraan ka soo qaado guurka lamaanahani.

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Hindiya ayaa hadda laashay guddoonkaasi , waxa ayna dib u soo celisay guurkooda. Guurka u dhaxeeya Muslimiinta iyo Hindu-ga ayaa waxa muddo dheerba cambaareeynayay qoyasaska dhaqan ku dhagan ee dalka Hindiya.

Qaar ka mid ah kooxaha Hindu-ga ee asal raaca ah ayaa waxay ku tilmaameen guurka dhexmara dadka haysta diimaha kala duwan “Jeceyl Jihaadi ah ” – oo ay u isticmaalaan ragga Muslimiinta ah ee ka qaybgala mu’aamarada in haweenka Hinduuga ah la badalo diintooda iyada oo la shukaansanayo”.

Hadiya Jahan, oo magaceedii hore uu ahaa Akhila Asokan, ayaa mar walba ku adkaysanaysay in tallaabada ay qaadday ay ahayd mid iyada oo xor ah ay ku dhaqaaqday. Ms Jahan iyo seygeeda ayaa racfaan ka qaatay guddoonkii ay riday maxkamad ku taalla gobolka Kerala oo guurkooda waxba kama jiraan ku tilmaamtay.

Waxaa looga yeedhay maxkamadda ugu sarraysa ee dalkaasi si ay u bixiso markhaati ku aaddan in lagu qasbay in ay diinta Islaamka qaadato iyo in kale. Ms Jahan ayaa u sheegtay gola garsoorayaal ah oo ka kooban saddex uuna hogaaminayay madaxa cadaaladda Dipak Misra, in ay doonayso xorriyad iyo in ay aragto seygeeda oo ay sheegtay in dhaqaale ahaan uu taageerayo.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in waalidiinteedu ay si sharci daro ah ay guriga ugu hayeen. Sida ay ku doodday gabadhani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here