Muqdisho waxaa ka furmay shirka kooxda xidhiidhka Soomaaliya (OIC)

0
198

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay markii ugu horreysay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC, waxaana ka qeyb galay qaar kamid ah wasiirada arrimaha dibadda iyo wakiilo matalayo dalalka xubinta ka ah ururkan.

Waxyaabaha looga hadlayo shirka waxaa kamid ah dardargelinta xasiiloonida iyo nabadda dalka Soomaaliya.

Dalalka ka tirsan ururka kooxda xiriirkaSoomaaliya ayaa ballan qaaday inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii loola dagaalami lahaa waxay ay ugu yeereen kooxaha argagixisada .

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo furay shirka OIC ayaa sheegay in shirkan uu albaabada u furi doono dalka Soomaaliya sidii uu ugu tallaabsan lahaa guulo hor leh isla markaasna dalalka xubinta ka ah ururkan ay garab istaagi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here