Mulkiilaha Kooxda Chelsea Oo Qaadanaya Baasaaboor Yuhuudi Ah Iyo Saamaynta Taageerayaasha Chelsea Ee Muslimka Ah

0
29

Ganacsadaha caanka ah ee Roman Abramovich oo ah ninka hodanka ah ee isak leh kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Chelsea ayaa la sheegay in la siiyay jinsiyadda dalka Israa’iil, kadibna uu qaadan doono baasaboorka dalkaasi Yuhuudda arrinkaasi oo dhaliyey doodo iyo hadal hayn weyn. Wararka ka imanaya dalalka Ingiriiska iyo Ruushka ayaa waxa ay sheegayaan in ninkan oo haystay dhalashada dalka Ruushka uu u safray Israa’iil kadib markii uu dhacay fiisihii uu ku gali jiray dalka Ingiriisku, kaas oo loo malaynayo in aan loo cusboonaysiinin sababo loo tirinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee xumaaday ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ingiriiska kadib markii sunta lagu weeraray Sergei Skripal oo ahaa sirdoon Ruush ah. Taasi oo keentay in xidhiidhka dalalka Ruushka iyo Ingiriisku xumaado.

Idaacadda BBC oo warkan aannu ka soo xiganay waxa ay sheegaysaa in Dadka qaata ama sita baasaboorka Israa’iil ay fiiso la’aan ku gali karaan Ingiriiska taasina keentay in uu ninkan Ganacsadaha ahi sameeyo maadaama ganacsi badan uu ku leeyahay dalka Ingiriiska oo dano dhaqaale kaga xidhan yihiin waana sababta keenaysa in uu doorto baasaaboor Isra’il ah.

Ninkan ayaa ka mid ah dadka ugu taajirsan adduunka, majaladda Forbes-na waxa ay hantidiisa ku qiyaastay in ka badan $11 Bilyan iyo badh Doollarka Maraykanka ah.

Waxa la xasuustaa in Ganacsade Abrahomovich aanu ka qeybgalin daawashada ciyaartii bishan May horraanteedii dhexmartay Chelsea iyo Manchester United, kulan la xidhidhay Finalka koobka FA Cup ee kooxaha dalka Ingiriiska oo ay kooxdiisa Chelsea ay guushu ku raacday 1-0 ay kaga tallaabsadeen kooxda Manchester United. Waxaana dhif iyo nadir ah in ganacsade Abramovic uu kooxdiisa oo Final ciyaaraysa ka maqnaado iyada oo markii kulankaa laga waayay dad badani si waydiiyeen halka uu ninkani ku maqnaa oo imika xaqiiqadeeda imika la ogaaday. Ninkan caanka ah ee Ganacsada ah ayaa la sheegay in uu hotel ka iibsaday magaalada Tel Aviv ee dalka Yuhuudda, balse uu u beddalay deegaan caadi ah sida ay qortay warbaahinta dalkaasi. Xidhiidhka Ruushka iyo Ingiriiska ayaa aad u xun illaa markii uu dhacay weerarkii Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia. Sharciga Israa’iil ka jira ayaa waxa uu yahay in qofka Yuhuudiga ah uu qaadan karo dhalashada dalkaas meel kasta oo uu adduunka ku dhashay. Dad badan ayaa haddaba aaminsan in taageerayaal badan oo kooxdan Chelsea si weyn u taageeri jiray oo Muslim ahi in ay saamayn ku yeelan karto arrintani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here