Muhiimadda Biyaha Nadiifta Ahi U Leeyihiin Caafimaadka Kelyaha Iyo Sida Biyuhu Ula Dagaalamaan Dhagxaanta Kelyaha

0
58
Lawadaag Asxaabta...

Biyaha nadiifta ahi waxa ay aad muhiim ugu yihiin caafimaadka jidhka gaar ahaan caafimaadka kelyaha. Culimada caafimaadku waxa ay qof walba kula taliyaan in uu biyo badan cabo gaar ahaan biyo nadiif ah sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in qofky si u caafimaadkiisa u ilaaliyo gaar ahaan caafimaadka kelyaha cabbo ugu yaraan maalintii 8 koob oo Biyo ah. Shirkadda Pure Living Co. waxa ay kugula talinaysaa in aad ku dadaasho cabista biyaha gaar ahaan Biyaha nadiifta ah ee aan wasakhda lahayn.

Maxaa keena in dhagaxaantu kalyahaaga fadhiistaan?

kolay waxkastaba wax baa ku yimadaan, markaa sideedabana dhagaxaantu ma fadhiistaan kalyaha oo kali ah, se waxa fadhiisan karaan meelkasta oo kamid ah kaadi mareenka. haday tahay kaadi haysta, tuunbooyinka kaadida ka soo qaada kalyaha iyo inta u dhaxaysa kaadi haysta iyo ibta kaadidu ka soo baxayso .

Waxaa jira qodobo  caawiya ama ka qayb qaata in dhagaxaantu ku samaysanto kalyaha ama kaadi mareenka .

-Fuuq bax ama biyaha oo jidhkaaga ku yaraaada sida qofka oo hawl adag qabtay biyo badan ka bexeen islamarkaana aanu wax biyo ah cabin iyo qofka oo sidiisaba aan biyaha cabin ama aan joogtaynin

– Caabuq ku dhaca kalyaha iyo kaadi mareenka

– Xanibaad (obstruction) kaadi mareenka  iyo dhawr qodob oo kale sida boratiinka oo la badsado iyo cuduro la kala dhaxlo

– Dadka fadhigoodu badanyahay ee saacado badan fadhiyaa waa ugu halis badanyihiin dhagaxaanta kalyaha kuwa fadhigoodu yaryahay.

Maxaad isku ogaan kartaa inay dhagaxaan ku fadhiyaan kalyaha ama kaadi mareenka ?

– waxaa dhacda mararka qaar in aanad is ogaanba oo wax caalamado ah aanad isku arag (asymptomatic) markaasina waa marka dhagaxaantu yaryaryihiin oo kaadida ayaa iska soo racaan iyaga oo  aan wax xanuun ah kugu keenaynin.

-Xanuun aad ah oo dhabarka ah ama dhinacyada xanuunkaasi oo mararka qaar hoos u daga  taas oo macneheedu yahay inuu dhagaxu meeshiisii ka guuraayo oo xaga kaadi haysta usii socda Kaadida oo ku gubta.

– Kaadida oo ku dhibta ama aad xejin kari waydo

-Matag iyo yalalugo aad isku aragta

– kaadida oo midabkeedu is balo, dhiig la socda awgeed. inta badan waxa noqota mid boodh oo kale ah <brown >, guduud ama casaan iyo midabka pinkga la dhoho Qaabkee ayaad ugu hortagi kartaa in ay dhagaxaan ku samaysmaan kalyahaaga iyo kaadi mareenkaba?

Kol haddii aad fahantay waxa ay dhagaxaantu ku imanayaan  waa kuu fududaanaysa inaad fahanto qaabkii aad iska ilaalin lahayd

-Biyaha cabistooda ood badsato, taasi  waxay keenaysaa inay kaadida badhax ka yeesho oo macdantu waydo jaanis ay iskugu timaado si ay u samayso dhagxaan, waxaa kale oo biyuhu ka cawinayaan in kaadida badan  kalyaha ka nadiifiso ama sifayso.

– Qofka oo dhima miisaanka <weight reduction >, cayilaadu ama baruurta badan waxaa keenta ama ka qaybqadataa in jidhkaaga biyuhu ku yaradaan, taaasina waxaa keenaysaa in dhagaxaantii samaysanto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here