Muddo Sagaal Bilood Ah Ayuu Geed Dushii Ku Noolaa Si Xaaskiisa Oo Khiyaamaysay U Raalli Geliso!!!!!!

0
114
Lawadaag Asxaabta...

Nin u dhashay wadanka Hindiya oo lagu magacaabo Sanjay ayaa muddo sagaal bilood ah waxa hoy u ahaa geed uu ku dul noolaa si uu raalli gelin buuxda uga helo xaaskiisa oo isaga kula kacday khiyaamo culus oo qoysnimo lana xaqiijiyay in ay nin kale ku dul waday xidhiidhkiisa. Sida uu ku soo warramayo wargeyska The Asian Age ee ka soo baxa wadanka Hindiya ninkan sameeyey arrinta layaabka leh ee lagu magacaabo Sanjay ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa dhacday in uu si kedis ah gurigiisa ugu soo laabtay wakhti subaxnimo, waxa ay ahayd si ka baxsan caadadiisa shaqo maadaama ninkani gurigiisa ku soo laaban jiray goor dambe oo habeenimo sida uu subaxdii uga shaqo tago.

Waxaana dhacday in uu si kedis ah oo aan looga baran markii uu baxayba dib ugu soo laabtay. Sanjay waxa uu gurigiisii kala kulmay arrin aanu jeclaysan oo argagax ku noqotay kadib markii uu gurigiisa soo galay iyada oo xaaskiisu wakhtigaasi la joogtay nin kale oo ay guriga ugu yeedhay kuna casuuntay.

Wax tallaabo ah ninkani ma uu qaadin sida wargayska arrinkiisa wax qoray baahiyay waxaanu dib ugu laabtay albaabkii uu guriga ka soo galay isaga oo abbaaray barxadda hore ee gurigiisa oo ay ku yaalliin qadar Geedo ahi waxaanu xaga sare ka fuulay mid ka mid ah geedaha beerta Guriga oo Saytuun ah. Qoyskiisa ayaa isku dayay in ay ka soo dejiyaan Geedka wuxuuse mar walba ugu hanjabaa haddii aanay ka tagin in uu is dili doono sidaasaanay ugu khasbanaatay in ay isaga tagaan xaalkiisu sidan ha ahaadee, halkaasi oo ay cunto wixii loo helo ugu keeni jireen maalin walba. Sanjay waxa uu habeenkii dul seexdaa laamaha geedkan Saytuunka ah maalintiina waxa uu iska dul meeraystaan oo marba laan isaga dul fadhiyaa Laamaha Geedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here