Mid Ka Mida Wasiirrada Somaliland Oo Gaadhigii Uu Saarnaa Kula Dhacay Koonfurta Hargeysa

0
175

Balli Mataan (Foore)- Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Mudane Cabdirashiid Ducaale Qanbi, ayaa gaadhigii uu saarnaa kula dhacay meel u dhow deegaanka Balli-mataan ee Koonfurta magaalada Hargeysa wakhti uu ku guda jiray maanta safar shaqo.

Wasiirka ayaa shilka gaadhigan ka badbaaday sida uu warbaahinta u sheegay isla wasiirku kaasi oo ay sidoo kale ka badbaadeen xubnihii kale ee wasiirka gaadhigan kula saarnaa.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Ducaale Qami iyo xubnaha kale ee la socday waxa ay ka yimaaddeen magaalada Oodweyne iyaga oo ku socday dhinaca magaalada Balli-gubadle halkaasi oo shirkani ka dhacay markii ay marayeen deegaanka Balli Mataan.

baabuurka wasiirka siday ayaa burbur xooggani ka muuqdaa halka aanay waxba ku noqon dhammaanba dadka saarnaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here