Mid Ka Mida Dalalka Adduunka Oo Suurta Galiyey Qorshe Waalidiintu Ubadkooda Toos Ula Socon Karaan Wakhtiga Dugsiga

0
146
Lawadaag Asxaabta...

Waalidiinta ku nool magaalada New Delhi ee dalka Hindiya ayaa wixii hadda ka dambeeya toos u daawan doona carruurtooda marka ay ku jiraan fasallada iskuulka kadib markii kamaradaha aan libiqsanin ee loo yaqaano CCTV lagu rakibay iskuulaadka dalkaasi intooda ugu badan wakhti dalka Hindiya aad ugu sii hour marayo adeegsiga Tiknoolajiyada.

Muuqaalka tooska ah ee ay soo gudbinayaan kamaradaha ayaa waxa ay ka daawan doonaan taleefoonadooda gacanta ee Smart Phones ka loo yaqaano waana arrin ay aad u soo dhaweeyeen waalidiin badan oo walaac ka qabi jiray xaaladda ubadkooda wakhtiga ay dugsiga ku maqan yihiin oo ay jeclaysan jireen in ay ka war hayaan.

Dhammaan iskuulaadka dowladdu leedahay ayaa lagu rakibayaa kamaradahan muddo 3 bilood gudahood ah sida uu sheegay wasiirka koowaad ama Badhasaabka lasoo doortay ee Dehli Mr. Irvin Kejriwal.

Waxa uu intaas ku daray in uu rajaynayo in tallaabadani ay gacan ka geysan doonto in uu dhoco isla xisaabtan iyo hufnaan ku saabsan iskuulaadka. Waxaa sidoo kale meesha ku jirta ujeeddo ah bed-qabka ardayda kadib markii sanadkii lasoo dhaafay la heley meydka ilmo yar oo dhuunta mindi lagaga jeexay musqusha iskuulka dhexdeeda.

Inkasta oo waalidiinta qaar ay soo dhaweeyeen, qaar kale ayaa ku tilmaamay arrin layaab leh oo muujineysana sida bulshada loo basaasayo. Balse waxa badan inta mashruucan taageertay ee waalidiinta ah.

Mr. Kejriwal oo madax ka ah xisbiga mucaaradka ah ee lagu magacaabo AAP oo micnihuusu yahay Dadka Caadiga ah ayaa lagu yaqaanaa u ololeynta la dagaalanka musuqa, iyo waliba dowlad wanaagga, isaga oo maamulka Delhi ka faro maroojiyey xisbiga talada haya ee Ra’isulwasaare Narendra Modi.

Dadweynaha ku nool Gobolka ay caasimadda Delhi ku taallo ayaa mashruucan si weyn u soo dhaweeyey iyaga oo sheegay in ay tahay ilaalin iyo muhiimad ballaadhan oo u soo korodhay qoysaskooda maadaama ay ubadkooda la soconayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here