Mid Ka Mid Ah Gawaadhidii Gaarka Ahaa Ee Madaxweyne Saddaam Xuseen Oo Lagu Arkay Suuqyada Waddanka Maraykanka

0
139
Lawadaag Asxaabta...

Alle Ha U Naxariistee Madaxweynihii hore ee waddanka Ciraaq Saddaam Xuseen waxa uu ka mid ahaa madaxweynayaasha sida weyn loogu yaqaanay sida uu u tixgeliyo gaadiidka gaarka ah ee isaga u gaarka ah isaga oo lahaan jiray baabuur badan oo gaar ah.

Shabakadda wararka dalka Maraykanka ee Detroit Free Press ayaa baahisay warbixin laga diyaariyay mid ka mid ah gawaadhidii uu ugu jeclaa gaadiidkiisa Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Saddaam Xuseen oo lagu arkay dalka Maraykanka. Gaadhigan oo noociisu yahay Bentley. Moodeelkiisa 1958 ayaa waxa uu ahaa gaadhigii gaarka ahaa ee Saddaan Xuseen kaasi oo lagu arkay isaga oo lagu soo bandhigayo Macrad baabuurta ah oo lagu magacaabo Concours d’Elegance.

Afhayeen u hadlay macradkan oo wax laga waydiiyey arrinka gaadhigan oo lagu magacaabo Loan Hmund ayaa waxa uu u sheegay shabakadda warkan baahisay in gaadhigani yahay gaadhigii gaarka ahaa ee Madaxweyne Saddaam Xuseen. “Waxaad muuqaalka laga diyaariyay gaadhigan ku arki kartaa in uu yahay gaadhi aan kuraasi lahayn. Sidoo kalena aan lahayn goobihii wax lagu ridanayay. Waxa ka muuqda dushiisa oo ku dhacay dhawr xabbadood oo rasaas ah. Gaadhigani waxa uu ahaa kii Saddaam Xuseen waxaana macradkan ka iibiyay kooxo aanan doonayn in aan halkan ka xuso. Moodeelkiisu waa 1958-kii noociisa oo kalena waxa kaliya laga sameeyey 30 gaadhi oo noocan ah waxaana lagu samayn jiray wakhtiyadaasi dalab gaar ah. Waxaana inta badan noocan wata ama shirkadda soo saartaa ay ka iibin jirtay qoysaska Boqortooyooyinka adduunka iyo madaxda oo kali ah”. Sidaa waxa yidhi Loan Hmund oo shabakdda Detroit la hadlayay.

Warbixintan waxa lagu sheegay in gaadhigan markii ugu horraysay dalka Ciraaq la geeyey Bishii Maaris ee sannadkii 1958-kii wakhtigaasi oo uu iibsaday boqorkii xukumayay dalkaasi Ciraaq. Muddo dheer kadibna uu la wareegay mulkiyadiisa Saddaam Xuseen markii uu xukunka dalkaasi qabsaday. Waxa kale oo warbixintan lagu xusay in gaadhigani ka mid ahaa agab fara badan oo wakhtigii Ciraaq burburtay laga soo qaatay qasrigii uu Saddaam Xuseen daganaan jiray, hantidaasi oo dunida loola kala cararay oo ay Ciraaqiyiin iyo askar reer Galbeed ahi ka faa’iidaysteen.

“Gaadhigan markii Maraykanka la soo galiyay waxa loo sii gudbiyay waddanka Kanada halkaasi oo dib loogu farsameeyey oo lagu qurxiyey balse aan waxba laga baddalin qaab dhismeedka gaadhigan iyo noociisa. Ranjiga, Taayirada iyo arrimo kale ayaa laga yar habeeyey waxbana lagama baddalin noociisa”. Sidaa waxa yidhi agaasimaha Macradka baabuurkani yaallo oo ku yaalla Magaalada New York kaasi oo sidoo kale sheegay in baabuurkan lagu iibin doono lacago Malaayiin Doollar ah balse aan wakhtigan la iibin doonin ee la dhigi doono matxaf dadku soo booqdaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here