Mid Ka Mid Ah Dhallinyaradii Dhibaatada Ugu Weyni Ka Qabsatay Liibiya Oo Ka Warramay Qisooyin Argagax Leh Oo Ku Dhacay Mudadii Uu Ku Darxumaysnaa Liibiya

0
75
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, June 4, 2018- (Foore)- Mid ka mid ah dhallinyaradii dhibaatada weyn kala kulmay xaaladda tahriibta ee inta badan baraha bulshada sawirkiisa hore loogu baahiyey isaga oo ay ka muuqato dhibaato weyni oo ka mid ahaa dhallinyaradii shalay ka soo degay Madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ayaa ka warramay xaaladda dhabta ah ee ay kala kulmeen tahriibtii ay ku gaadheen waddanka Liibiya isaga oo ka sheekeeyey qisooyin xanuun badan oo halkaasu ku soo maray.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waddanka waxaan ka baxay 2015 Bishii shanaad. Waxaan maray dhinacaa iyo Boosaaso illaa Yemen, Sudaan illaa Liibiya. Masiibooyin badan ayaa nagu soo maray laakiin wixii iigu layaab badnaa ee aan arko waxa ka mid ahaa qof nool oo dirxi galay. Qofkaygan caafimaadka qaba ee aad arkayso imika markii aan halkaa ku sugnaa jidhkaygu wuu googo’ay. Maanta waan caafimaad qabaa waana Ilaahay Mahaddii. Maadaama aan waddankaygii nabad ku soo noqday. Markii aannu Liibiya galnay waxa aanu galnay saxare. Saxaraha waxa ka ugaadhsada dad tuug ah. Nimankaasi waxa ay eeganayaan dad tahriibayaal ah. Marka ay tahriibayaasha arkaan waxa ay ku furayaan rasaas. Wixii ay ku dhacdaa way dhimanayaan. Wixii baaqi ah ee ay helaan way kaxaysanayaan kadib dib ayay u iibinayaan. Waxa ay ku iibinayaan calaa qof laba kun oo dollar. Ninka lagaa iibiyaa waxa uu isna hadhaw kaa qaadanayaa lacago gaadhaya 12-kun oo dollar. Waxa uu taagan yahay in uu yidhaa markii hore laba kun ayaan ka bixiyay ee aduu halkaa u is taag oo intaa iyo in ka badan ka qaado. Nin waliba xirfad gaar ah ayuu leeyahay oo uu dadka uu qabsado lacagta kaga qaato ehelkiisa. Qaar dadka way daldalaan. Qaar waxa ay ku qabtaan jidhkooda koronto. Qaar way curyaamiyaan. Gacmaha ama lugaha ayaa lagaa jarayaa oo waa lagu naafaynayaa. Waxa ay mararka qaar kugu shubayaan shidaal kulul. Dad badan ayaad arkaysaa oo sidaa ku naafoobay. Haddii uu qofku xanuusado waxa ay kugu mudayaan irbad cudur ah si aad hore ugu dhimato oo aanad u sii noolaan. 24-kii saac waxa aad jab roodhi ah oo qalalan u galaysaa kuyuu. Waxa aad ku dhuuqaysaa Biyo. Waa nolol aanan ka sheekayn Karin”. Ayuu yidhi wiikani.

49 dhallinyaro ah ayay shalay masuuliyiinta xukuumadda iyo kuwa xisbiga UCID ku soo dhaweeyeen Madaarka Hargeysa oo ay soo caga dhigatay diyaarad ka soo qaaday dalka Liibiya oo ay fududaynta hawshan iska kaashadeen dawladda Maamulka Muqdisho iyo hay’adda IOM kuwaasi oo in muddo ah ku hawlanaa xaaladda dhallinyaradaasi sidii loo sii dayn lahaa. In badan oo ka mid ah dhallinyaradan oo gaar ahaan u dhashay dalkaasi Soomaaliya ayaa iyagu waxa ay ka dageen Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ee dalkaasi Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here