Meherka Iyo Masaajidada– Qalinka: Cali Cabdi Coomay

0
162
Lawadaag Asxaabta...

Qiyaastii saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey waxa magaalooyinka Soomaalilaan ka bilaabmay in meherada loo leexiyo inay ka dhacaan masaajidada, halkii markii hore laga tegi jiray hudheelada faraha badan ee hoolalka casriga ah u dhistay inay ku soo jiitaan dadka is-calmaday ee meherka diyaarka u ah. Qormadan waxa aynu ku dul-istaagi doonaa hababka ay u shaqeeyaan meherada ka dhaca masaajidadu.

Kharashka Laga Qaado Meherka Masaajidka

Masuuliyiinka masaajidadu wakhtiyadii hore wax lacag ah kamay qaadi jirin meherada ka dhaca masaajidada, hasayeeshee markii ay bateen meheradii ayey masuuliyiintii soo rogeen inay lacag ka qaadaan, oo waxa ay arkeen inay fursad lacag samayn ahi ku jirto. Lacagta laga qaadayo way ku kala duwan yihiin masaajidadu. Tusaale ahaan masaajidada ku yaalla meelaha badhtamaha magaalada ama suuqa ayaa ah kuwa ugu lacagta badan, halka kuwa ku yaalla xaafadaha ama meela ka fog faras magaalaha ay jaban yihiin ama aan wax lacag ahba laga qaadin. Masaajidada ku yaalla badhtamaha suuqa iyaga laftoodu waxa ku kala duwan yihiin xaddiga lacagta laga qaado dadka.

Masaajidada qaarkood waxa laga qaadaan $130 meherkiiba, kaarka meherka lagu geliyo waxa shaanbad tii hudheelada oo kale ah lagaga soo dhuftaa masaajidka, waxaana si gaar ah looga qaadaan $15. Masaajidada qaarkooda waxa ay ka jaban yihiin kuwa sare, oo waxa laga qaadaan inta u dhaxaysa $65 illaa $80. Suuqa meherada masaajidada ku yaalla badhtamaha Hargaysa waa kuwa xaami ah, wuxuu mid ka mid ah shaqaalah masaajidadu ii sheegay inay maalintii ugu yaraan ay ka dhacaan laba meher ama ay ka bataan oo illaa saddex ama afar gaadhaan. Waxa iyana jirta in meherada qaarkood habeenkii ay ka dhacaan masaajidada. Markaa haddii aynu xisaab ahaan eegno maalintii haddii aynu ka soo qaadno inay ka dhacaan laba meher oo min $80 ahi, bishii waxa ay noqonaysaa: 30 x 80= $2400. Haddii intaasi laga sii kordhiyo lacagtu way ka badanaysaa. Illaa hadda lama hubo in lacagtaasi masaajidka nadaafadiisa, dayactirkiisa iyo shaqaalihiisa waxa uu ka soo gaadho iyo in kale. Waxa aynu ognahay in inta badan masaajidadka loo ururiyo lacag laga qaado dadka ku tukanaya si dayactir loogu sameeyo. Waxa aan xusuustaa sheeko nin wadaad ah oo masaajid khudbad jimce ka jeedinaayey ayaa wax-bixinta iyo sadaqada ku dheeraaday, dabadeed xaaskiisii oo masaajidka ku tukanaysay ayaa is-kala garan weyday, markaasay dahabkeedii sadaqado u bixisay. Markii ay gurigii isugu tageen ayey ku tidhi” sheekh maanta khudbad qiimo badan ayaad jeedisay oo sadaqada iyo wax-bixinta ka hadlaysa, markaasaan is-kala garan waayey, oo aan dahabkaygii oo dhan sadaqo ula baxay. Markaasuu ku yidhi” isku maynaan ogeyn in aad dahabkaaga bixiso, balse dadka in aynu ka gurno ayeynu isku ogeyn”.

Shaqaalaha Masaajidka iyo Gabbaatiga

Ka hor inta aanay masaajidka soo gelin labada dhinac ee ku ballansan meherku, waxa masaajidka dhexdiisa sii jooga shaqaalaha masaajidka iyo laba askari oo ka tirsan ilaalad gaarka ah ee masaajidka. Labada askari waxa ay joogsadaan albaabka ay ballantu tahay inay ka soo galaan dadka ballansani, si ay u guraan kaararka casuumada ee lagu gelayo meherka. Marka ay dadka labada dhinac ku soo dhamaadaan gudaha masaajidka ayey shaqaalaha iyo askartuba ka mid noqdaan kuwa ka tirsan dadka labada dhinac ee meherka ku ballansan, iyaga oo lacagta gabaatiga ka qaata labada dhinac ee meherka ku kulmay. Qaarkood waxa ay dalbadaan lacag ka badan ta ay dadku qaanayaan, iyaga oo ku af-gobaadsanaya waar culimada u kordhiya.

Maxaa Ku Jaban In Meher Masaajid Lagu Qabto?

Dadka is-mehersanaya iyo eheloodu waxa ay jecel yihiin in goobtan barakaysan ee gurigii Ilaahay ah inay isku mehersadaan oo ay qaataan sahayda ducad si guurkoodu uu u naajixo. Hasayeeshee waxa jira arrimo kale oo haddii dhinaca kale laga istaago weji kale u yeelaya meherada masaajidada, taasi oo ah inay masaajidadii isu-beddeleen hoolalkii dadka laga kireyn jiray ee lacagta laga samayn jiray, maadaamoo masaajidadii iyo hoolalkii isku lacag noqdeen.

Sidoo kale waxa masaajidka soo gelaya dad aan weligood salaad tukan iyo kuwa takhsiisan ama mirqaansan. Dhinaca kale waa laga yaabaa inuu Ilaahay ku soo hadeeyo soo gelitaanka masaajidka. Waxa jiray nin doonayey inuu gabadh ku mehersado masaajid, ninku weligii salaad muu tukan. Markii uu soo galay masaajidkii ayuu anfariiray oo uu fadhiisan waayey, isaga oo naxsan ayaa dirqi lagu fadhiisiyey.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here