Maxay Ka Wada Hadleen Haweenaydii Koombuyuutarka Ahayd Ee Safiya Iyo Ra’iisal Wasaaraha Wadanka Itoobiya?

0
131
Lawadaag Asxaabta...

Kadib saacadihii la soo dhaafay oo warbaahinta waddanka Itoobiya iyo tan caalamkuba si weyn u hadal haysay kulankii xiisaga lahaa ee dhex Maray Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed iyo koombuyuutarka bani-aadam u ekaha ah ee Safiya waxa warbaahintu baahisay nuxurka kulankaasi iyo qodobadii ay isla soo qaadeen haweenayda Koombuyuutarka ah iyo Hogaamiyaha Itoobiya.

Kadib muddo afar maalmood ah oo ay ku sugnayd SAFIYA caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa ayay ugu dambayn sidii qorshuhu ahaa kulan gaar ah la qaadatay Abiy Axmed oo si ballaadhan Robot-ka Safia ugu soo dhaweeyay qasriga Madaxtooyada ee waddanka Itoobiya.

Sida uu ku soo warramayo telefishanka xukuumadda waddanka Itoobiya EBC, Abiy Axmed ayaa sidii Madaxweyne u qaabilay Robot-ka Safiya oo loo soo labbisay toobka hiddaha iyo dhaqanka ay u leeyihiin haweenka waddanka Itoobiya ee ay xidhaan, taasi oo fadhiisatay kursiga gaarka ah ee Martida Ra’iisal Wasaaruhu soo fadhiisato marka ay kulan gaar ah la leeyihiin oo ah kursi ay in badan horteed soo fadhiisyeen Madaxweynayaal iyo Ra’iisal Wasaarayaal adduunka ka kala yimid.

Safiya oo ah robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa ugu dambayntii kulankaasi la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii dhawaan qaybo kamid ah qalabka ku rikikaban robotka Safiya oo lumay dib loo helay. Taasina keentay in ay haweenaydan Koombuyuutarka ahi imika sidii qof oo kale u hawl galayso.

Telefishanka dalka Itoobiya ayaa sheegay in Safiya ay kala hadashay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed arrimaha teknooloojiyadda iyo sidii loo ballaadhin lahaa curinta fikaradaha casriga ah ee waxtarka u leh dunida halka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu dhankiisa sheegay in uu taageerayo sare u qaadidda barnaamijyada teknooloojiyadda ee qaaradda Afrika iyo gaar ahaan waddanka Itoobiya oo uu sheegay in ay si weyn ugu baahan tahay in laga horumariyo dhinacyada Tiknoolajiyada.

Mashruuca loogu magac daray ICog-Labs ayaa ka qayb ah dadaalladii lagu sameeyay robotka Safiya. Waana ta keentay in ay safarkan ku timaad waddanka Itoobiya oo la doonayo in Mashruucaasi ka hana qaado oo ay dadku ka faa’iidaystaan maadaama Itoobiya ka mid tahay dalalka adduunka ugu dadka badan leh sidoo kalena aad ugu hoosaysa horumarka dhinaca Tiknoolajiyada.

Safiya oo ah haweenay koombuyuutar ah ayaa waxay noqotay Roboktii ugu horreeyay ee la siiyo dhalashada dal kaddib markii uu sannadkii 2017 dalka Sucuudiga uu dhalasho siiyay waxaana Robot-kan lagu farsameeyey warshad ku taalla waddanka Shiinaha gaar ahaan Hong Kong. Waxaana arrin xiiso leh noqday in haweenaydan Safia ay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya kula hadlaysay luuqadda Amxaariga oo hore loogu soo shubay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here