Maxay Ahayd Cilladdii Ugu Weynayd ee Shalay Soo Food Saartay Shirkadda Facebook

0
151
A smartphone user shows the Facebook application on his phone in the central Bosnian town of Zenica, in this photo illustration, May 2, 2013. Facebook Inc's mobile advertising revenue growth gained momentum in the first three months of the year as the social network sold more ads to users on smartphones and tablets, partially offsetting higher spending which weighed on profits. REUTERS/Dado Ruvic (BOSNIA AND HERZEGOVINA - Tags: SOCIETY SCIENCE TECHNOLOGY BUSINESS) - RTXZ81J

Barta Facebook ee ay bulshadu ku xidhiidho ayay shalay galab illaa xalay soo wajahday ciladdii ugu waynayd taariikhda jiritaankeedu, iyadoo adeegyadii ugu mihiimsanaa ay cilado galeen, dadka dunida kala jooga ee isticmaalana ay adeegsan waayeen Arbacadii.

Markii ugu dambaysay ee cillad baaxadan ku dhaw ay soo wajahdo waxay ahayd sannadkii 2008, markaas oo dadka isticmaala ee dunidu ay ahaayeen 150 milyan halka ay hadda bil kaste ka isticmaasho 2.3 bilyan oo ruux.

Cilladan ayaa saamaysay adeegyada ugu waawayn Facebook sida labada App ee Messenger iyo WhatsApp oo fariimaha la isaga diro iyo Instagramka oo sawirrada lagu wadaago.

“Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aanay hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay Facebook.

“Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan”.

Shirkadda oo ka jawaabaysa warar la isla dhex maray oo sheegaya in shirkaddu ay adeegga u joojisay si ay u baajiso weerar dhanka Internetka ah oo lagu soo qaaday, ayaa sheegtay in arrintu aanay sidaas ahayn.

Ciladdu baaxad intee la eg ayay Gaadhsiisnayd?

Waxaa la qiyaasayaa in cilladani ay billaabatay 16:00 GMT ama 7:00 fiidnimo ee saacadda Bariga Afrika oo ah fiidnimadii xalay.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaana billaabay in ay ka cawdaan in aanay  waxba ku qori karin ama sawirro dadka la wadaagi karin.

Dadka Instagram-ka isticmaala ayaa iyaguna awoodi waayay in ay bogga cusboonaysiistaan si ay sawirro cusub u arkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here