Maxaad La Socotaa Dal Yurub Ah Oo Lacago Daryeel Ah Siiya Waardiyihii Khaaska Ahaa Ee Usama Bin Laden?

0
30
Lawadaag Asxaabta...

Nin u dhashay dalka Tunisia oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii waariyayn jiray hoggaamiyihii Shabakadda Al Qaacida ee la dilay sheekh Usama Bin Laden ayaa la sheegay in uu muddo sanooyin ah ku noolyahay dalka Jarmalka, kana qaato lacagta daryeelka dowladda. Taasi oo dhawaan markii warbaahintu ogaatay ee ay wax ka qoreen si weyn dunida looga hadal hayo. Ninkan ayaa la sheegay in uu Bil kasta helo lacago dhan €1,168 oo lacagta Yurub ah, wuxuuna dalkaasi Jarmalka ku noolaa laga soo bilaabo sannadkii 1997-kii wakhtigaasi oo uu dalkan soo galay sida ay warbaahintu ogaatay. Lacagtan ayaa lasoo bandhigay kadib markii xisbiga fog ee AfD uu dowladda ka codsaday in ay shaaciso lacagta uu helo ninka oo loo yaqaano Saami. Warbaahinta Jarmalka ayaan faahfaahin magaca ninkan oo dhamaystiran si loo illaaliyo xogtiisa shaqsiyadeed. Maadaama uu yahay nin xaalad xasaasi ah ku lug leh waana ta keentay in magaciisa loo soo gaabiyo Sami A. Sheekh Cusaama Bin Laden ayaa hoggaaminayay ururka Al Qaacida, isaga oo amray weerarkii lagu qaaday daaraha dhaadheer ee Maraykanka sanadkii 2001-dii sida ay sheegaan reer Galbeedku balse aan xaqiiqo ahaan loo ogayn doorka uu ku lahaa sheekhu weerarkaasi oo ay in badan reer Galbeedku sheegaan in uu isagu ka dambeeyey. Ninkan haddaba mar ahaan jiray waardiyaha Bin Laden oo u dhashay waddanka Tunisia ayaa la baadhay sanadkii 2006-dii, balse ma jiraan wax dacwado ah oo lagu soo oogay. Waxaanu si caadi ah isaga oo nool yahay dalka Jarmalka isaga oo waliba ka mid ah dadka soo galootiga ah ee muddoda dheer dalkaasi durba jooga oo illaa maant aqaat alacagaha gunnada ah ee dawladdu siiso dadka soo galootiga ah. Waxa uu la noolyahay xaaskiisa oo Jarmalka u dhalatay iyo afar carruur ah, isaga oo degan magaalada Bochum. Codsigiisa magangalyo-doonimada ayaa la diiday sannadkii 2007-dii maadaamaa dowladda u aqoonsatay in uu yahay nin halis ku ah amniga. Balse sidaas oo ay tahay lama tarxiilin baqdin laga qabo in marka Tunisia lagu celiyo loo gaysto jidh-dil. Waxaanu si nabad ah isaga nool yahay dalkaasi Jarmalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here