Maxaad Kala Socotaa Qisada Ganacsigii Lagu Bilaabay 500 Dollar Oo Kaliya Maantana Ku Fadhiya 1-Bilyan Oo Doollar?

0
87
Lawadaag Asxaabta...

Seygeedu shaqo ayuu ku maqnaa, xaamilo ayay ahayd Kendra Scott waxayna garwaaqsatay fikrado ah inay samayso lacag iyadoo dhabo ganacsi u sii maraysa. Waxay jiiftay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, waxayna la daalanayd uurka ilmaheeda caloosheeda ku jiray. Haweenayda Kendra Scott waxay billaawday inay samayso agabka ay haweenku quruxda u xidhaan. Sanadkii 2002-dii Scott waxay jirtay 28 sanno,waxayna haystay lacago ay meel dhigatay oo gaadhayay 500 oo doolar oo ay ku doonaysay inay ganacsi ku furato si ay dhakhli badan u soo xaabsato. Markii ay dhashay, waxay go’aansatay Kendra Scott inay dibadda u baxdo si ay uga ganacsato agabka ay haweenku quruxda u xidhaan oo uu kamid yahay Dhegaha, Shuuliyada iyo guud ahaan Bulukaatiga. Haweenaydii Scott waxay tidhi “Markii aan billaabay ganacsigayga, waxaan dheemaanka ku ridnayay baakidho yar yar oo aan la hor istaagayay guri ka guri, maalinkii iigu horreysay waan ka faa’iiday”.

Maanta shirkad ay leedahay Scott ayaa loogu magac daray iyada oo qiimaha dheemaanka ay iibiso lagu qiyaasay in ka badan 1 bilyan oo doollar, waxaana la sheegay in lacagta ay gooni u leedahay ay gaadhayso 500 milyan oo doolar. Scott waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka, markii ay jirtay 18 sanno waxay ku biirtay jaamacad ku taalla Texas balse sannad kaddib waxay ka baxday jaamacadda si ay u raacdo wiil ay jeclayd, nolasheedu waxay kusoo hadhay inay ku noolato magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Scott waxay samaysatay ganacsi u gaar ah muddo tobban sanno ah, waxayna samaynaysay Koofiyadaha ay xidhaan dadka qaliinka dhanka Kansarka maraya, arritani waxaa ku dhiirageliyay nin hooyadeed ay wada joogeen oo la xanuunsanaa cudurka Kansarka, waxayna ugu deeqday Koofiyadaha qaar. Fikradda ah inay ka ganacsato dheemaanka iyo agabka ay dumarka quruxda u xidhaan ayaa ku dhashay markii ay aragtay baahida ka jirta suuqa oo intooda badan ahaa waxyaabo aan gini goyn karin halka qaar kalena ay haayeen kuwo raqiis ah oo aan tayo lahayn, si arrintaasi ka duwan waxay billawaday ka ganacsiga dheemaan tayo leh oo qiimiihiisu dhexdhexaad yahay oo dumar kastaa qiimo jaban ay ku heli karaan.

Kendra Scott waxay billaawday inay shaqaalaysiiso dad badan kuwaaso ka caawiyay in xarunteeda ganacsiga ee Austin inay kobacdo in kastoo ay jireen caqabadooyin dhowr ah oo nolosheeda haystay, Waxaa la furay markii ay dhashay ilmihii labaad. Sannadkii 2010-kii ayay laantii ugu horreysay ee ganacsiga dheemaanka ka hergelisay magaalada Austin halkaaso kayd u noqotay alaabaheeda si jumlo ahaan ay ugu daabusho magaalada inteeda kale. Macaamiisha Kendra Scott waxay ugu baaqday inay ka iibsadaan dheemaanka ayna xushaan dookhooda, ganacsatada ayaa ku xoomi jiray Dukaankeeda si ay u iibsadaan dheemaanka Dhegaha, Faraantiga iyo waxyabaaha kale ay haweenku ay quruxda u xidhaan. Maanta waxay gudaha Mareykanka ku leedahay 80 Bakhaar oo lagu iibiyo dheemaanka nocyadiisa kala duwan, waxayna sidoo kale online-ka ku iibisaa wax soo saarkeeda. Waxaa intaasi dheer in dheemaanka ay samayso Scott loo qaado Suuqyada caanka ah Selfridges ee ku yaalla magaalada London. Shirkaddeeda waxaa ka howl-gala 2,000 qof, oo 96% dadka ka shaqeeyaa ay yihiin haween. Karen Giberson oo ah madaxa ganacsiga aaladaha teknooloojiyadda Mareykanka ayaa sheegtay in Kendra ay tahay qof ka dhex muuqda xirfadda naqshadaynta. Giberson waxay intaasi ku dartay in sababta ugu wayn ee ka dambaysay guusha Kendra Scott ay tahay in ganacsigeedu uu yahay mid dhab ah oo naqshaddiisu loo bogay islamarkaasna ay tahay haweeney da’ yar oo dadaal dheeraad usoo gashay howshan. Waxyaabaha horumarka u horseeday haweeneydan waxaa kamid ah inay macaamiisheeda ay qiimo jaban ku siinayso nooca dheemaanka ay doonayaan. Giberson oo ah madaxa ganacsiga aaladaha teknooloojiyadda ayaa sidoo kale sheegtay in howlaha deeqda ah ay bixinayso Kendra Scott ay soo jiiteen macaamiisheeda.

Waxayna furtay barnaamij tabbarucaadka qaabilsan oo lagu magacaabo Kendra Cares Program, Sannadkii lasoo dhaafay shirkaddeedu waxay deeq ahaan u bixisay lacago caddaan ah oo gaadhaya 5 milyan oo doolar iyo kummanaan dheemaan ah oo ay ugu deeqday carruur iyo haween. Kendra Scott waxay sheegtay in shirkaddeeda ay ka go’antahay sidii ay usii wadi lahayd barnaamijyada gargaarka ah oo ay ku doonayso inay xirfadeeda iyo wax soo saarkeeda ugu deeqdo qoysas badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here