Maxaad Ka Taqaanaa Askarta Ajaanibta Caddaanka Ah Ee Hilbaha Googo’ay Ee Alshabaab Ka Gurta Marka Qarax Ka Dhaco Muqdisho?

0
95
Lawadaag Asxaabta...

Muqdisho July 9, 2018- (Foore)- Waa saraakiil ajnabi ah oo si weyn u qalabeysan, waxaa loogu yeedhaa khabiiro qaraxyada ku takhasusay, mid waliba wuxuu ku raran yahay qalab ciidan iyo jaakado aanu rasaastu karin, waxaana lagu arkaa inta badan goobaha ay ka dhacaan qaraxyada ee is-miidaamiyeyaasha Shabaabku naftooda ku haligaan.

Dan kama gelaan dadka dhintay, naxariis uma hayaan, mana gargaaraan dadka dhaawacmay, haddana iyagaa ugu horreeya goobta, shaqadoodu maaha ammaanka iyo nabadgelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, mana aha Soomaali laakiin shaqo weyn ayaa ka soo gashay qaraxyada iyo is-qarxiyeyaasha ay ugaadhsadaan jirkooda…!!!.

Waxay leeyihiin ciidamo Soomaali ah oo la shaqeeya oo mararka qaarkood howshaas ay dowladahooda u soo dirsadeen gacan ka siiya ama u qabta, siiba meelaha halistooda badan tahay, ciidamadaasi Soomaalida ah waxaa mushaharka siiya dalalka ay ka socdaan saraakiishaas ajnabiga ah ee ugaadhsata jidhka dadka isku qarxiya qaraxyada ee is-miidaamiyeyaasha ah.

Dadka aan ka hadlaynaa waa saraakiil caddaan ah oo kaliya lagu arko meeshii uu Muqdisho qarax ka dhaco ee la isku miidaamiyo, waxaana la keenaa isla marka qaraxyadu dhacaan, waxayna qaataan qeybo ka mida jidhka googo’ay ee is-miidaamiyeyaasha Alshabaab ee is qarxiya si ay baadhitaano ugu diraan, una aqoonsadaan.

Waxay ka socdaan hay’adaha sirdoonka iyo dembi baadhista dalalka reer galbeedka, waxaana ugu badan Mareykanka, Ingiriiska, Holland iyo dalal kale oo Yurub ah, dhexdooda xidhiidh wada shaqeyneed ayay leeyihiin waxayna dalalkooda u hayaan howl adag oo ah inay aqoonsadaan qof waliba oo is qarxiyay si loo hubiyo inuu ka mid yahay liiska xubnaha dalalkooda ku tuhunsan yihiin argagixisada ay baadi goobayaan.

Liiska ay hayaan Hay’adaha Sirdoonka dowladaha reer Galbeedka waxaa marba laga saaraa qofkii ay aqoonsadaan saraakhiishan meydadka la daba dhigay ee qaabilsan hubinta jidhka meydadka ay baadhitaanka u qaataan kadibna ka hubiyaan hide-sidaha DNA-da ee dadka lagu aqoonsado.

Waxay dalalkooda u hayaan howl-qaran, waxayna ammaanka dalalkooda ka sugayaan gudaha Soomaaliya, halka ciidamada dalkaasi Soomaaliya ay saraakiishaasi waardiye ka yihiin oo howshooda u fududeeyaan si ka badan gudashada xilkooda ahaa inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dadkooda. Marka aad aragto qaabka loo ilaaliyo saraakiisha danahooda qaran iyo ammaankooda dadkooda u jooga Muqdisho, waxaa cad inay ka muhiimsan yihiin muwaadiniinta dalkaasi ay joogaan, waana dhibaato weyn oo marka aad ogaato ay kuu soo baxeyso heerka qiimaha qofka Soomaalida ahi taagan yahay. Waxaa la yaab leh in warbixinta iyo caddeymaha ay ururiyaan aanay la wadaagin dowladda taagta daran ee Soomaaliya iyo Hay’adaheeda amniga sida uu sheegay taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe, waana shaqo xanuun leh oo ka dhex socota dhiigga badan ee ka daadanaya dadka Soomaalida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here