Maxaad Ka Taqaan Waddanka Luuqadda Ugu Badan Lagaga Hadlo Dunida?!!

0
114
Lawadaag Asxaabta...

Jasiiradda Papua New Guinea oo ku taalla Badweynta Baasifigga una dhaw dalalka Indonesia iyo Australia oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ku dhawaad 7-milyan oo qof ayaa la sheegaa in uu yahay waddanka luuqadaha ugu badan lagaga hadlo dunida. Baadhitaan arrinkan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in Papua New Guinea uu yahay waddanka dadkiisu ugu isticmaal badan yihiin luuqadaha ugu tiro badan ee ummad meel wada degani ay ku hadasho. Ku dhawaad 820 Luuqadood oo midna aanay haba yaraatee mid kale waxba la wadaagin ayaa dalkaasi yare e jasiiradda ah lagaga hadlaa waana arrin aad u layaab badan.

Luuqadda koowaad ee rasmi ahaan dalkaasi dastuurka ugu qorani waa luuqadda Ingiriisida halka ay soo raacaan oo ay ugu badan yihiin luuqadaha Tok Pisin iyo Motu oo ah labada luuqadood ee dadku ugu adeegsi badan yihiin. In badan oo dadka Papua New Guinea ahi wali waxa ay ku nool yihiin keymaha waana dad dhaqamo cajiib ah leh oo wali cawaan ah. Waa dad dhaqankoodu wali adag yahay oo aan la qabsan dunidan casriga ah oo u badan dad caadooyin adag leh. Inkasta oo luuqadda Ingiriisidu tahay luuqadda rasmiga ah hadana waxa ku hadla oo kaliya boqolkiiba laba wax ka yar 2%, boqolkiiba sagaashan iyo siddeeda kale waxa ay ku hadlaan luuqado kale. 820 luuqadood oo aad u kala duwan ayay dadka dalkani ku hadlaan waxaanay celcelis ahaan taasi u dhigantaa in luuqadaha adduunka lagaga hadlo ay boqolkiiba laba ito toban 12% ay ku hadlaan dadka jasiiraddan daggani ee reer Papua New Guinea waana arrin mucjiso ah.

Caasimadda wadanka Papua New Guinea waxa lagu magacaabaa Port Moresby waxaanay dadka dalkaasi isticmaalaan lacagta lagu magacaabo Papua New Guinean kina. Rasiisal wasaare ayaa dalkan xukuma lagu magacaabo Peter O’Neill waana dal ku dhaqma nidaamka Jamhuuriga ah. Isir ahaan dadka jasiiraddan ku nooli waxa ay ka soo jeedaan dadkii dhulkaasi loogu yimid ee ahaa hindida cascas waxaana midabkoodu yahay midab casaan maarriin xiga ah. Ku dhawaad boqolkiiba siddeetan waxa ay ku nool yihiin keymaha waana dad duur gal ah oo qaawan oo cawaan ah, aadna u dambeeya.

Baadhitaan lagu wado shacabka wadankan ku nool ayaa ka socda dalkaasi waxaanay qaramada midoobay daraasaynaysaa sababta keentay in dadka dalkan ku nool oo tiradoodu aanay ka badnayn 7 milyan oo qof ay hadana ku hadlaan in ka badan 820 luuqadood, arrintaasi oo ah wax aad loola yaabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here