Maxaad Ka Taqaan 10 Waddan Oo Aad Lacag Kaga Iibsan Karto Sharcigooda Dhalasho Iyo Qiimaha Ay Kaa Siin Karaan?

0
154
Lawadaag Asxaabta...

Wakaaladda Wararka ee Bloomberg ayaa dhawaan baahisay liiska 10 waddan oo sharci ka soo saaray in ay dadka ajaanibta ah ka iibin karaan sharcigooda dhalasho ee Baasaaboorka iyaga oo ujeedadoodu tahay sidii ay maal-gashi iyo dhaqaale uga heli lahaayeen. Waana 10-kii waddan ee ugu horreeyey ee haddii aad maal-gashi dhaqaale ka samaysato ku siinaya jinsiyadooda wakhti dad badan oo adduunka ahi ay si weyn u daneeyaan in ay dhalasho ka helaan dalalka horumaray.

Inkasta oo dadka dhoofka daneeyaa ay u badan yihiin dad nolol raadis ah oo dalalkooda dhibaato dhaqaale iyo dagaalo ka jiraan oo aanay dadka maal-qabeenka ahi sidaa ula dhacsanayn dhalashada dalal kale haddana waxa xaqiiqo ah in dad badan oo dhaqaale haystaa ay doonayaan in ay ku noolaadaan, ubadkoodana ku korsadaan dalalka hore u maray sida Yurub iyo Ameerika waana fursad ay si weyn uga faa’iidaysanayaan dadka ku nool dalalka soo koraya ee dhaqaale haysta ama ganacsi ka samaysan kara dalalkaasi.

Christian Calen oo ah maamulaha shirkadda Henley ayaa sheegay in haddii aad haysato dakhli lacageed oo aad meherad ganacsi kaga samaysan karto waddanka Malta aad ku baddalan karto in aad hesho baasaaboorka dalkaasi. Waddanka Austria ayaa isagu noqday kan ugu qaalisan dalalka baasaabooradooda ku doorsanaya maal-gashiga ganacsi waxaanay shardi ka dhigeen in qof kasta oo soo dalbada baasaaboorkooda ay ka qaadayaan ama ku xidhayaan in uu dalka gashado maal-gashi qiimihiisu dhan yahay 23-Malyuun oo dollar, waana arrin layaab noqotay wakhti laga war hayo in dad badani dhalshada dalkan qaateen iyaga oo tahriib ku maray ama ku gaadhay. Jasiiradda Qubrus ayaa ka mid ah dalalka baasaaboorkooda maal-gashiga lagu heli karo waxaanay gaadhsiiyeen 2-Milyan, kaalinta labaad ee ugu qaalisan ayaanu ku jiraa halka ay kaalinta saddexaad ka soo gashay Jamhuuriyadda Luxemburg oo iyadu Hal milyan kaa siinaysa dhalasho ama sharci muwaadinimo oo rasmi ah.

Jasiiradaha caanka ah ee Saint Luis, Dominican iyo Barbados ayaa kaalmaha ugu hooseeya kaga jira liiskan waxaanay sharcigooda ku bixinayaan 100 kun oo dollar oo maal-galin ah haddii aad gashato dalkaasi in ay ku siinayaan sharciga dalalkaasi oo ah jasiirado loo dalxiis tago oo dadku jecel yahay.

Dad badan oo ku kala nool dalalka Afrika iyo Asia ayaa mar walba baadi goob ugu jira sidii ay u heli lahaayeen sharci ama dhalasho dalalka horumaray ah waxaana ugu badan dalalka dagaaladu ka taagan yihiin iyo kuwa saboolka ah, kuwaasi oo kumannaan ka mid ahi sannad walba dhalasho ka helaan dalalka hore u maray oo ay ku gaadheen tahriib iyo safar sharci darro ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here